Degmada Dooloow ee gobolka Afdheer ayaa shalay wuxuu dagaal khadhaadh ku dhex maray ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo shacabka degan magaalada Dooloow

Dagaalkan ayaa ka dhashay kadib markay wakiilada gumaysigu  degmada keeneen haween ay kasoo direen Jigjiga si ay u matalaan degmada Dooloow doorashada soo socota ee aan la saadaalin karin qaabka ay u qabsoomi doonto,shacabka degmada Dooloow ayaa si qasab ah lagusoo shiriyey waxaana lagu amray inay doortaan haweenkaas oo matali doona degmadooda.

Odayaasha iyo wacgaradkii shirkaas la keenay ayaa sicad uga hor yimid amarkaas ciidamada waxayna u sheegeen inaysan qoor qabad waxba ku dooranaynin xubno laga soo walwaalay jigjiga na aysan diyaar u ahayn inay doortaan,shirkii aya aisu badalay buuq iyo fara isku taagtaag waxayna shacabkii bilaabeen inay dhagax tuuraan ciidamada iyo haweenki ay wadeen ba.

Ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa bilaabay inay rasaas nool shacabka ku furaan waxayna goobtii isu badashay goob dagaal markii dambana dagaalku wuxuu ku fiday magaalada dhan,dhimashada ilaa iyo hada nasoo gaadhay ayaa sheegaysa inay 5 qof oo shacabkii dhiidhiyey  halkaasi ku dhinteen iyo laba askari oo kamid ah ciidamadii gumaysiga ee shacabka gumaadayay.

Xasaradaas shalay ka dhacday degmada Dooloow ayaa waxaa weli laga dareemayaa magaalada jawi  colaadeed waxaana lasoo sheegayaa inay is uruursanayaan odayaasha,cuqaasha iyo dhalinyarada magaaladaas si ay iskaga caabiyaan dulmiga wakiilada gumaysiga itoobiya.

ONA/Dooloow

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay