Xisbiga mucaaradka Itobiya ugu dhaq-dhaqaaqa badan ee Semayawi Party ayaa maalintii shalay ahayd banaanbax aanay dawladda filaynin ku qabtamay badhtamaha magaalada Adis-Ababa, halkaaasoo ay isugu soo baxeen kumanaan diidan nidaamka ka jira dalkaa Itobiya ee ku dhisan halka xisbi.

Banaabaxan oo booliska uu isku dayay inuu joojiyo ayaa si qasab ah ku maray wadooyinka, sida aad ku arkaysaan sawirada iyo filimada laga soo duubay. Doorashada la filayo bisha May ee sanadka 2015ka ayay mucaaradka ka tabaabushaysanayaan in aanay si dhib yar kooxda TPLF/EPRDF ugu been abuuranin dadweynaha doorashada ka qaybgalaya sidii dhacday doorashadii ka horeysay oo xubnihii soo galay baarlamaanka oo gaadhaya 546 mudane uu Girma Seifu Maru oo kali ah la yidhi wuxuu ka soo baxay xisbiyadii mucaaradka, taasoo aanay jirin meel ay ka dhacday caalamka, xataa dawladaha malmaluuqa doorashooyinka.

Halkan ka daawo:

http://www.zehabesha.com/semayawi-party-demonstration-in-addis-ababa-photos/

http://www.mereja.com/video/watch.php?vid=4549668ef

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay