cwxo2Wararka ka imaanaya gudaha wadanka Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa ku warbixinaya inay dagaala badan ka socdaan dalka. Dagaaladaa oo inta badan ay qaadayaan CWXO ayaa kuwii ugu dambeeyay ee dhexmara Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa caga jiidka ah ee gumaysiga Itoobiya lagu gaadhsiiyay khasaare nafeed oo gaadhaya 23 askari oo ka bakhtiyay cadawga iyo dhaawac badan iyagoo ku waayay dagaaladaa agab iyo saanad.

Wadanka oo aad u balaadhan, isgaadhsiintana ay xuntahay darteed ayaa dagaalada qaarkood aan si dagdag ah looga helin warbixin. Dagaalada nasoo gaadhay ayaa udhacay sidan;

22/3/15 Goladheerti oo dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jararkatirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 4 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

23/3/15 Qodaxlay oo dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay katirsan dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhexmaray waxaa ciidankii cadawga lagaga dilay 3 askari inta lahubsaday 4 kalana waa lagaga
dhaawacay.

24/3/15 Bardalay oo dagmada Awaare ee gobolka Jarar katirsan dagaal CWXO iyo kuwa wayaanaha ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagu gaadhsiiyay khasaare balaadhan oo aan wali lasoo faahfaahinin.

27/3/15 Qurqura oo dagmada Dhagaxmadow katirsan dagaal ciidanka xooga dalka Ogadenia iyo kuwa gumaysiga ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 5 askari 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

27/3/15 Qoriile oo gobolka Doollo katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

28/3/15 Xamaro oo gobolka Nogob katirsan dagaal xoogan kadhacay oo kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 8 askari 13 kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay