Waxaa maanta ooy taariikhdu tahay 3/4/2015, kasoo dagay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Stockholm Gudoomiye Kuxigeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) Dr. Maxamed Ismaaciil Cumar. Waxaa halkaas kusoo dhaweeyay Gudoomiye Kuxigeenka qaar kamid ah xubnaha Golaha Dhexe ee  JWXO iyo Gudiga Maamulka ee Jaaliyada Somalida Ogadenya ee kudhaqan wadanka Sweden  iyo xubno kamid ah Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Somalida Ogadenya ee OYSU.1

Gudoomiye Kuxigeenka JWXO ahna Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Ururka (HAAU) ayaa kasoo kicitimay magaalada Sydney ee wadanka Australia. Safarka Gudomiye Kuxigeenga yaa kusoo aaday iyadoo maalinta jimcaha ah laguwado inuu magaalada Stockholm ee caasimada wadanka Sweden  k furmo shirwaynihii ururka OYSU ee qaarada Yurub, kaasoo uu hada gabagabo yahay diyaar garow giisu. Sidoo kale waxaa kusoo qulqulaya wufuud kala duwan oo kakala yimid dhamaan wadamada qaarada Yurub kuwaasoo kaqayb gali doona shirwaynaha ururka OYSU ee Qaarada.

4

Ugu danbayntii Gudoomiye Kuxigeenka JWXO ayaa lafilayaa inuu shirar iyo kulamo kala duwan laqaadan doono qaybaha kalada duwan ee bulshada Somalida Ogadenya ee kudhaqan wadanka Sweden.

3

Bishaar Hassan/ONA  Stockholm

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay