Shirwaynihii ururka Dhalinyarada iyo Ardayda  Somalida Ogadeniya ee OYSU  ee qaarada Yurub ayaa hada kafurmay magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden. Shirkan oo inmuda ah qaban qabaadiisu  socotay  ayaa waxaa kasoo qaybgalay dadwayne aad ufarabadan iyadoo shirku socon doono muda 3 bari ah.

2

 

Dhanka kale waxaa shirka kasoo qayb galay masuuliyiin uu hor kacayo Gudoomiye Kuxigeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya JWXO ahna Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Ururka HAAU Dr.Maxamed Ismaciil Cumar . Sidoo kale waxaa kulankan kasoo qaybgalay marti sharaf caalamai ah ooy kamidyihiin labadii wariye ee ree Sweden Martin Schibbye iyo Johan Persson, kuwaasoo hada kahor uu Gumaysiga Itoobiya xadgudubyo banii,aadamnimada kabaxsan loogu gaystay Ogadenya. Waxaa lagu wadaa in arimo muhiim ah lagu soobandhigi doono mudada uu shirkani socdo.

1

Ururwaynaha OYSU ee qaarada Yurub ayaa kamid ah Hay’adaha bulshada Somalida Ogadenya kuwooda oogu muhiimsan kaalin balaadhana kaqaatay geedi socodka hawlaha kala gadisan ee Halganka Somalida Ogadenya kaasoo lagaga xoraynayo Gumaysiga Itoobiya ee dulmiga kujooga wadanka Ogadenya.

4

Wararkaanaga Dambe yaan idiinku soo gudbin doonaa wixii faah faahin ah iyo waliba barnaamijyo xiisa badan ood kaheli doontaan Inshaa Allah ee haka fogaanina ONA.

3

ONA.Stockholm

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay