Halgame Cadaani ayaa warbixin oo kaga xogwaramaya marxaladihii uu soo maray halganka iyo ururka JWXO siiyay RX isagoo ku soo ururiyay 5-qaybood iyo marxaladda hadda lagu jiro. Waxayna kala yihiin siduu u dhigay;

1- Marxaladii aasaaska ururka oo socotay ilaa dhamaadkii 90ka, kolkaasoo meela ka mid ah caalamka laga dhisay unugyo muhiim ah.
2- Marxaladii kala-guurka oo ahayd markii ay dhaceen labadii maamul ee M. Siyad Barre iyo Mingisto, JWXO-na ay gashay gudaha dalka oy qabatay xukunkii gobolka muda kooban hasa ahaatee taariikhi ah.
3- Marxaladii difaaca qaranka iyo xubnaha ururka, ka dib markuu bilaabay Wayaanaha inuu laayo kaadirkii jabhadda iyo halyeeyadii bulshada qaar ka ka mid ah.
4- Marxaladii xoojinta dagaalka iyo dhismaha CWXO.
5- Marxaladii uu ururka ka xoogaystay gude iyo dibadba oy soo baxeen jaaliyado taabagal ah dhamaan qaaradaha aduunka.
6- Marxaladii ka dambeysay dagaalkii Cobolle oo caalamka uu u soo jeedsaday qadiyadda Ogadenya saxaafadda caalamka qaar ka mid ahna ay galeen gudaha soona arkeen.

Marxaladahaa oo tafatiran ka dhagayso halkan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay