ONLA22Wararka nagasoogaadhaya wadanka Ogadenia gaar ahaan xarunta dhexe ee JWXO ayaa sheegaya 3 dagaal oo ay 2 kamid ah dhaceen habeenimadii xalay oo ay taariikhdu ahayd 4/4/15. Warka ayaa intaas ku daraya in ay CWXO weeraro qorshaysan ku qaadeen fadhiisimo ciidanka wayaana looga sameeyay meelo kamid ah Ogadenia ciidan badana lagaga laayay waxay dagaaladii udambeeyay udhaceen sidan.

2/4/15 Atoorka oo dagmada Dhagaxmadow ee Gobolka Jarar katirsan dagaal aad u culus oo CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhexmaray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 15 askari 20 kalana waa lagaga dhaawacay.

4/4/15 Bali-abaad oo dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar ka tirsan weerar ay ciidanka xooga dalka Ogadenia kuqaadeen waxay qudha kaga jareen 4 kamid ah ciidanka wayaanaha 6 kalana way kaga
dhaawaceen.

4/4/15 Raybadlay oo Dagmada Dhagaxbuur katirsan weerar ay CWXO ku qaadeen ciidan uu gumaysigu leeyahay oo halkaas kusugnaa waxay kaga dileen 6 askari 8 kalana way kaga dhaawaceen.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay