Waxaa maalintii labaad sihab samileh uga socda magaalada Stockholm ee caasimada dalka Sweden shirwaynihii ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Somalida Ogadeniya OYSU ee qaarada Yurub. Shirkan oo sidaan horay idiinku sheegnay furmay shalay galab ayaa hada galay  wajigiisii oogu mihiimsanaa iyadoo aqoon yahanka iyo dhalinyaradu iswaydaar sanayaan dood cilmiyeedyo iyo afkaaro laxidhiidha sidii looxoojin lahaa korna loogu qaadi lahaa tayada iyo wacyiga guud ee shacabka gaar ahaana Dhalinyarada Somalida Ogadenya oo shirku sigaara ah iyaga ukhuseeyo.

12_Fotor

Shirkan oo dhamaanba kasoo qayb galayaashu aad ooga maqsuudeen ayaa sii socon doona ilaa iyo maalinta bari ah haduu ilaahay yiraahdo. Sidookale waxaa shirka khudbado iskugu jira dhiirigalin iyo bogaadin kasoo jeedinaya  masuulinta Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadeniya. Dhanka kale waxa shirka lagusoo bandhigay hidaha iyo dhaqanka gaarka u,ah Somalida Ogadeniya waxaana madasha sideeqsinimole heeso wadaniya ugu soo bandhigay  fanaanka qaalig ah ee Somalida Ogadeniya halgame Abdi baadil.

7_Fotor

 

Waxaa iyana shirka kasooqayb galay marti sharaf ay kamid ahaayeen labadii wariye ee udhashay wadanka Sweden Martin schebye iyo Johan person, wariye Martin oo kahadlay dhibaatada ay dawlada Itoobiya kuhayso shacabka ay gumaysato ayaa sheegay inay codkooda kugarab istaagi doonaan shacabka Somalida Ogadeniya islamarkana aysan dhagaha kafuraysan doonin xasuuqa iyo gumaadka iridaha looxidhay ee sida joogta ah uga socda wadanka Ogadeniya. Wariye Martin ayaa sheegay in buugii ay kaqoreen isaga iyo saxiibkii Johan tacadiyadii iyo dhibaatadii taliska Addisbaba kula kaceen ay baahin doonaan laguna turjumay luuqado dhawr ah hadana uu soobaxay isagoo lagu turjumay luuqada Ingiriisiga ah.

2_Fotor

Iskudoo wada duubo waxaa lafilayaa in shirku wakhtigii loogu talogalay kusoo gabagaboobo haduu Allaha awooda lihi karaali noqdo natiijaduna noqoto isbadal dhab ah oo lagu sameeyo guud ahaan hamsami usocdka ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Somalida Ogadenya OYSU ee kahawlgala dunida dacaladeeda.

1

4

24

0

5

01

22

03

6_Fotor

01_Fotor

1_Fotor

ONA Stcokholm

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay