Nolosha aduunka wuxuu Ilaahay u dajiyay xeerar iyo qaanuun wuxuuna ku qotomiyay miisaan dheeli tiran. Xeerkaa waxaa ka mid ah, in xaqqa uu ku muuqdo kuna guulaysto dadaalka ay u galaan inta diida xaqdarada. Ilaahay isagoo awood u leh qofka dulmiilaha ah inuu dhulka la gooyo, ayuu hadana ku amray midkii la dulminayay inuu ka dhiidhiyo dulmiga, oo uusan isu dhiibin daalimka, kuna dadaalo siduu xaqiisa ku soo ceshan lahaa. Wax walba wuxuu leeyahay waqti uu Ilaahay ugu talagalay inuu ku mira dhalo. Dadaal in lala yimaado, dhibkana loo dulqaato, waqtigana aan laga hordhicin oon la dhararsan balamaha Ilaahay ayaa ka mid ah furayaasha guusha.

Aan isweydiino sababaha keenay in aynaan gaadhin guushii aynu hiigsanaynay mudada fog oo aanan ka xoroobin gumaysiga Itobiya inkastoo aan ku weynay naf iyo maal badan, isla markaana ugu yaraan 3ex halgan oo ka horeeyey midka aynu maanta ku jirno la galnay gumaystaha.

Umadda Somaliyeed ee Ogadenya inay xoriyadda jeceshahay waxaa sugtay taariikhda dheeree ay soo halgamayeen iyagoo diiday inay isu dhiibaan gumaysiga Itobiya sida qawmiyada badan ay isugu dhiibeen uguna milmeen af iyo dhaqanba qawmiyaddii gumaysiga ee Amxaarada. Maadaama aynu hadaba ku jirnay halgan taariikh dheer ku abtirsanaya, naf iyo maal badanna aynu ku weynay, maxaa sabab u ah in aynu ku hadhno gunnimadii ay ka baxeen shucuubta Afrika.
Su’aasha mid la mid ah waxaa isweydiiyay asaxaabtii Rasuulka CS markii lagu jabiyay dagaalkii Uxud oy yidhaahdeen, jabkan muxuu inoogu dhacay anagoo ah asaxabtii Rasuulka CS. Wuxuu Ilaahay ugu jawaabay, sababta waa idinkee iska baadha. Sidaa darteed; gumaystaha ina dulsaaran inagoo intaasoo sano soo halgamaynay waa in aan sababteeda iska baadhnaa.

Taariikhda dhaw een wada xusuusan karno waxaa ka mid ah halgankii WSLF iyo dagaaladii 1977dii. Sidaan la socono isbadal weyn ayuu ku soo kordhiyay geeska Afrika dagaalka caalamka uga magac baxay – The Ogaden War. Isbadalada ka dhacay caalamka intuu socday dagaalkaa waxaa ugu toolmoonaa u jeedsigii ay dawladihii reer Bariga (Eastern block) ama isbahaysigii la odhan jiray WARSO u jeedsadeen dhanka Itobiya. Isbadalkaa wuxuu keenay inuu xoogii ciidan u dheeliyo dhanka gumaysiga Itobiya, oo ay waayaan xoogaggii ka soo horjeeday oo ahaa Somalida iyo Eretrea – taageeradii reer Ruushka ama USSR. Waxaa hadaba mudan in aan xusuusano dhacdadaa kala wareega ah raadadka uu ku reebay halgankii WSLF ee dawladdii Somaliyeed ay taageereysay iyo halgankii reer Eretrea ee ku dhisnaa isku-tashiga ee jabhaddii EPLF ay hogaaminaysay.

Dhamaadkii 1975tii ayay jabhaddii WSLF halgan hubaysan ka bilowday dalka Ogadenya. Sanad iyo badh ka dib ciidamadii jabhadda iyo kuwii lagu taageeray ee ciidanka qalabka sida oo wadar ahaan gaadhaya ilaa 50,000 oo askari ayaa waxay xoreeyeen in kabadan 90% dalkii Ogadenya, gacantii gumaysigana waxaa ku soo hadhay oo kali ah Dirdhabo oo hareereysan iyo Harar oo sidoo kale iyadana ay u weerareen ciidan gaadhaya 20,000 oo jabhadda iyo kuwii qaranka Somaliyeed. ciidankii Itobiya waxay isku urursadeen Harar, halkaasoo ay ugu yimaadeen 1,500 oo ah khubaradii Ruushka iyo 11,000 oo Kuubaan ah iyo ciidamo ka kala socday dalalka reer Bariga sida Yementa koonfureed. Ciidamadii Somaliyeed oy ka yaraatey saanadii ayaa ka soo baxay magaalada iskuna urursaday hareeraha magaalada Harar si ay isaga difaacaan weerarada rogaal celinta ah ee cadawga. Bishii Fibraayo horaanteedii ayay ciidamadii gumaysiga oy horsocdaan Kuubaankii ku qaadeen Jigjiga weerar. Ciidan taangiya ah oo Kuubaan ah ayaa dhabarjabin ku sameeyey ciidankii Somalida, laba maalin ka dibna magaaladii Jigjiga waxay dib gacanta ugu gashay gumaysigii. Todoba maalmood ka dib jabkii Jigjiga, waxay ciidamadii gumaysiga iyo kuwii u soo gurmaday ee Kuuba iyo Yaman gacanta ku dhigeen dhamaan magaalooyinkii Ogadenya ee horey loo xoreeyey. Bishii Maarso 9keedii 1978 ayuu M/W Somaliya Maxamad S. Barre ku dhawaaqay inuu dib ula soo noqday ciidamadiisii galay Ogadenia. Ciidamadii jabhadda ee WSLF qaarkood waxay la soo carareen ciidankii Somalida, intii soo hadhay ayaa dib isu urursaday oo bilaabey dagaalkii dhuumaalaysiga ahaa, waxayna ku guulaysteen inay gacanta ku sii hayaan dhul balaadhan oo ka mid ah miyiga. Hasa ahaatee, waxay gacanta u galeen gorgortankii u socday Somalia iyo Itobiya oo ku heshiiyay in mucaaradada labada dhanba la joojiyo. Dawladii Somaliya si niyad sami ah ayay u fulisay waxayna kala dirtay wixii ciidan u soo hadhay WSLF, Itobiyase waxay xadka ka soo gudbisay ciidamadii ku kacsanaa Somaliya gaar ahaan SNMtii oo la soo hubeeyey, burbur xoog leh oo aanay dib uga kabanin kuna dambeeyey qarankii Somaliyeed inuu burburo ayaa ka dhashay arintaa.

Waxaa inooga muuqanaya halkan in duulaankii weerarka ahaa ee ciidamadii WSLF iyo kuwii qalabka siday ee Somaliya markii la jabiyey uu kala daatay hadafkii loo dagaalamayay, oo labada dhanba (jabhadii WSLF iyo ciidankii XDS) ay awoodi kari waayeen inay difaac dib u galaan oy isu abaabulaan hab ah dagaal muddo dheer socda.

Hadaynu qooraanso taariikhdii tawradda reer Eretrea iyo siyaabihii ay uga gudbeen isbadalkii ka dhacay Geeska Afrika waqtigaa oo qudhooda ay ku waayeen taageeradii reer Bariga. Bishii May 1978dii ayay ciidan gaaraya 100,000 oo Itobiyaan ah dagaal rogaal celin ah ku qaadeen goobihii ay xoreeyeen jabhadihii ELF iyo EPLF oo wada socday oo magaalada Asmara ku hareereysnaa. Dagaala badan ayaa oo ciidankii circa ee Ruushka uu ka qaybqaatay ayaa lagu qaaday jabhadihii, kolkaasoo ay dib u gurasho xeel dagaal isugu gurteen fadhiisamadoodii. Hal magaalo oo kali ah oo u noqotay calaamad tawradda Eretrea ayaa gacanta EPLF ku soo hadhay oo ah magaalada Nakfa. Markay gaadheen ciidamadii EPLF magaalada Nakfa, waxay bilaabeen inay ka qotaan dhufaysyo ay galaan. Waxaa ka mid ah dhufaysyada ay qoteen mid gaadhaya 40 Km oy ku soo wareejiyeen buuraha ku xeeran magaalada. Laga bilaabo 1978 ilaa 1981 waxuu ciidankii Dargiga ku qaaday jabhadii EPLF ee dhufayska ka gashay Nakfa 5an guluf oo waaweyn. Bishii Feb. 1982 ayuu Mingisto abaabulay gulufkii loo bixiyay – xidigta cas –. Ciidan gaadhaya 120,000 oo wata dhamaan qalabkii ciidamada iyo dayaaradaha dagaalka ayaa weeraray Nagfa, hasa ahaatee waa la soo jabiyey ugu yaraan 40,000 ayaana lagaga dilay Itobiya goobtii. Markuu dhamaaday gulufkii xidigta cas, oy ka quusteen ciidamadii Itobiya inay qabsadaan Nakfa ayay jabhaddii EPLF dib u bilowday weeraradii. Laga bilaabo 1984 ilaa ay ka xoreeyaan dhamaan ciida Eretrea, waxaa weerarka waday jabhadda iyo shacabka reer Eretrea, gumaysigana maalinba maalinta ka dambeysa wuxuu ka baxayay dhul iyo magaalo.

Waaya-aragnimada aynu ka qaadanayno labadaa dhacdo waxaa ka mid ah, gumaysiga ilaa marka ugu dambaysa inuu kolba soo abaabulayo guluf ciidan oo midba midka kale ka maxaysato badan yahay kana qalab badan yahay. Waxaa kaloo aan ka faa’idaysanaynaa in dagaalka Gobanimadoonka uusan lahayn dhamaad ka sokeeya hadafkii Xoriyadda iyo aaya-ka-tashiga oo la gaadho. Waxaa kaloo aan ka faai’daysanaynaa, in loo diyaar garoobo dagaal muddo fog socda oo quusiya rajada gumaysiga uu ka qabo in aan sidii waayadii hore ka cararno dalkeena.

Ilaahay wuxuu inoo sheegay, inay guusha la socoto adkaysiga iyo mintidnimada, xoriyadna laguma helo waxaan ahayn gumac iyo dhiiga N/huraha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay