Warar hordhac ah oo faafaahintiisa aan goordhow soo gabagabayn doono ayuu wariyaha goobta Dhagaxbuur noogu sheegay in maalinimadii 21ka bishan ay ciidamada Itobiya ku xasuuqeen dad shacab ah oo gaadhaya 11 – 14 tuulada Labiga oo ka tirsan gobolka Dhagaxbuur.

Xasuuqan ayaa ka dambeeyey ka dib markii ay CWXO weerar laxaad leh ku qaadeen ciidanka cadawga aagga Cwl-kudhal halkaasoo lagaga dilay sida uu wariyaha ku soo waramay ciidan kor u dhaafaya 40 iyo dhaawac farabadan.

Degaanka Labiga iyo kor-celista oo ah meel aan sidaas uga fogayn magaalada Dhagaxbuur kana xigta xagga Dedmada Dhagaxmadoow, ayay ciidamada Itobiya kaga aargoosteen dadkii shacabka ahaa ee halkaa daganaa iyagoo xasuuqay raggii ay gacanta ku dhigeen. Qaar ka mid ah magacyada dadka la xasuuqay een ka helnay ilo-wareedyo kale ayaa kala ah;

1. Bishaar Jaamac Abdullaahi Jiilaal
2. Axmed Adan Faroole
3. Badal Ibraahim Dalab
4. ina Adan Shariif
5. Gabboose Dayib Dayl
6. ina Indha-yare

Guusha Gobanimadoonkaa Leh ..

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay