Madaxa ururka musliinta Kenya ayaa ku tilmaamay waxa ka dhacay Gaarisa inay tahay mashaqa soo wajahday dalka Kenya, isagoo ka codsaday dhamaan shacabka inay u midoobaan sidii loo fashilin lahaa shirqoolka argagixisada Al-shabaab oo uu ku tilmaamay inay tahay in shacabka Kenya la’iska horkeeno.

Madaxweynaha Kenya oo TV-ga khudbad uga jeediyay shacabka Kenya ayaa ka codsaday muslimiinta Kenya inay ka horyimaadaan falalka noocan ah isagoo ku tilmaamay inay shacabka Kenya ku abuureyso xagjirnimo hadaan laga hortagin.

Wuxuu M/weyne Kenyatta ku sheegay khudbadiisa inay la dagaalankii argagixisada ay adkaatay sababna wuxuu uga dhigay iyadoo laga maalgalinayo, lagana abaabulayo falalka noocan ah gudaha Kenya, gaar ahaan buu yidhi masaajidada qaarkood iyo madrasadaha iyo imaamada qaarkood oo hadalo dheerigalinaya argagixisada ka jeediya.

Hadalkaa M/weynaha ayaa culauys badan saaraya mujtamaca musliminnta Kenya oo lagu tilaamo inay ka yihiin 15% dadka Kenya oo lagu qiyaaso ilaa 40 Milyan oo qof.

garissa carnageWeerarka ay Shabaabka ku qaadeen Jaamacadda magaalada Gaarisa oo ardayda lagu xasuuqay ayaa laga cabsi qabaa inay wax weyn ka badasho wada noolaashihii shacabka Kenya iyo xasiloonidii dalkaa.

Dada badan ayaa waxay aaminsan yihiin in Shabaabka iyo Sirdoonka Itobiya uu ka dhexeeyo xidhiidh aad u qota dheer iyadoo siyaasiyiin badan oo arimaha Geeska Afrika wax ka qora ay marar badan ka xogwarameen in hawlaha argagixisada ah ee Shabaabka ay ka wadaan Somaliya iyo Kenya ay Itobiya ku fushato siyasadaheeda ku wajahan gobolka, waxaana iyada xaqiiqa ah oo la hayaa cadeymo in Sirdoonka Itobiya uu taakuleeyo Shabaabka, kana taageero arima badan oo u fududeeya hawlaha argagixisada ah ay ka dhex wadaan Somaliya iyo Itobiya.

Halkan Ka Daawo :

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay