Waxaa magaalada Stockholm ee caasimada wadanka Sweden kusoo gaba gaboobay shirwaynihii Ururka dhalin yarada iyo ardayda Somalida Ogadeniya ee qaarada Yurub, shirkan oo mudo 3 maal mooda socday ayaa sidaan warbixinadii hore idiinku soo gudbinay  ayaa  waxaa lagu soo ban dhigay qorsha qeedka iyo istiraatijiyadaha cusub ee Ururka, iyadoo sida ay xuseen  Gudiga qaaradu ay hada kadib la,imaan doonan nidaam shaqo oo kaduwan kuwii hore islamarkaana horumar gaadhsiin kara halganka ay  JWXO Hormuudka ka tahay.

1

Dhanka kale Hogaan kuxigeenka Arimaha ururka iyo abaabulka JWXO Mudane Xasan Macalin ayaa sheegay in 23 Bishan April Parlemanka yurub lagaga hali doono  xaalada wadanka Ogadeniya iyadoo lafilayo inay kaqayb galan dadwayne  farabadan oo soo gudbiya tacadiyada iyo dhibaatada ay Dawlada Gumaysiga Ethiopia kuhayso shacabka Somalida Ogadeniya.

2

Shirka ayay kasoo baxeen doqobo dhawra oo uqoran sidatan

1    Kasbashada ardayda iyo ururada dhalinyarada ah ee heer dal

2   Laba jibaarka waxqabadka Guud iyo gaar ahaan OYSU yurub

3   Samaynta Gudi Wareegta lana xisaabtanta OYSU heer dal

4    Abuurida mashaariic kaladuwan, sida suuq Gaynta qadadiyada Somalida Ogadeeniya iyo kasbashada beesha caalamka,

5   Xoojinta fanka sugaanta iyo safaaxada heer aduun iyo mid qaradeedba,

6   Carbinta taba barida dhalin yarada sida in labaro hidaha iyo dhaqanka ay gaarka uleeyihiin

7   shirka waxaa baaq loogu diray beesha caalamka inay faragalin degdega kusamayso dhibaatada  joogtada ah ee Ciidamada Gumaysigu kuhayaan shacabka aan isdifaaci karin ee Somalida Ogadeniya.

8  Shirku wuxuu cambaraynayaa falalka waxshinimada iyo arxan darada ah ee Taliska wayaanaha iyo daba dhilikiisu kawado Guud  ahaan gayiga Ogadeniya.

6

Iskusoo wada duuubo shirkan ayaa kusoo dhamaaday guul iyo jawi farxadeed waxayna dhalinyaradii isaga kala timid qaarada yurub kubalameen waxqabad joogta ah iyo in lalaba jibaaro waxqabadkooda.

01

1201

911

8

5ONA Stockholm

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay