Muwaadin dhawaan laga siiyay daganaansho dalka Jermalka ayaa ku guulyastay inuu xayaysiis usameeyo shirkad gawaadhida iibisa. Maxamad ayay ahayd inuu lacag ka qaato shirkadaa iyadoo hawlaha xayaysiinta ay ka mid tahay kuwa ugu lacagta badan dawladaha reer galbeedka. Hase ahaatee mudane Maxamad oo dhawaan un soo galay dalka Jermalka ugsoona qadiyadda dalkiisa iyo dhibaatada uu gumaysiga Itobiya ku haya shacabkiisa ayay lacagtii ucuntami wayday wuxuuna shirkadii ku yidhi;

“Lacag marabee waxaan rabo lacagta mala iigu baddali.”

Arintaa oon horey usoo marin shirkadda ayaa waxay  wediisay; “Maxaad rabtaa oon kuugu badalnaa? Jawaab aanay marnaba filanaynin ayuu ugu jawaabay wuxuuna yidhi;

Germany2

“Markaan wax xayaysiinaayo calanka waddankayga maqaadan karaa?”. Waxaa lawaydiiyay xageed katimid? Maxamad wuxuu u sheegay inuu Ogaadeniya kayimid.

Ugu danbayntii waxaa laga ogolaaday inuu calankii Ogaadeniya isagoo wata uu xayaysiiska u sameeyo shirkadda.

Arintan oo meela kale gaadhay ayaa waxaa u ballansan shirkad kale oo iyana telefoonada gacanta gada oo u sheegay inuu iyana calanka ogaadeniya wax ku xayaysiiyo.

Qaar saaxibadii ah oo kula taliyay inuu badh lacag ka dhigto ayuu ka diiday mudane Maxamad, wuxuuna ugu jawaabay;

Germany Germany1

“Waxaa wax walba iiga qiimo badan anoo calankayga dunida tusa.”

Jaaliyadda S.Ogadenya ee Jermalka figradda ayaa fikradaha wiilkaa qaaliga ah kasoo burqanaysa aad usoo dhaweysay, waxayna Eebbe uga baryayaan in figraddaa nadiifta u xifdiyo. Wuxuuna wax ku xayaysiiyaa luuqadda carabiga

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay