Warar goor dhaweyd naga soo gaadhay magaalada Dhagaxbuur ayaa sheegaya in qaar kamid ah maleeshiyaadka Hawaarintu uu baabuur kula gadoomay inta u dhaxaysa Birqod iyo Shaygoosh ,hawaarintan oo kasoo kicitimay dhankaas iyo Jigjiga ayaa kusii jeeday magaalada Qabridahar oo lagu wado inuu halkaas tago wakiilka gumaysiga Itoobiya ee Ogadenya Ina Ileey waxayna ahaayeen hawaarintu ceelalyo uu usoo dirsaday inay kasii horeeyaan si uusan ula kulmin wax halis ku ah amaankiisa.

1Shilkan ay galeen Hawaarintu oo aad loo qariyey khasaarihiisa ayaa wariyaha ONA ee qarsoon uu nooso sheegay in dadka dhintay uu kamid yahay xisaabiyaha guud ee Hawaarinta Cabdifataax Kaamil Cabdi(Dhagaqool).

Waxaa sidoo kale  dhaawac halis ah soo gaadhay Agaasimaha ESTV ahna wariye  Axmed Xidhe oo uu dhaawac xun soo gaadhay.

ONA/Dhagaxbuur

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay