Ciidamo Itoobiyaan aha ayaa si adag loogu diiday inay gudaha u galaan magaalada Cadaado ee caasimada maamulka Ximan iyo Xeeb,ciidamadan oo la aaminsan yahay inay magaalada dhexdeeda ka abuuri rabeen qas iyo iska horkeenka shacabka gobolada dhexe ayaa loo sheegay in haday isku dayaan inay soo galaan magaalada ay la kulmi doonaan iska caabin xoogan.

Ciidamada Itoobiyaan ka ah oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa ku xayiran deegaanka MAREER-GUUD  oo ku yaala duleedka magaalada Cadaado halkaas oo ay is hortaag ku sameeyeen ciidamada maamulka Ximan iyo Xeeb.

Madaxweynaha DFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa baryahan ku sugnaa gobolada dhexe ee Soomaaliya isagoo ku howlanaa siduu maamul goboleed midaysan ugu dhisi lahaa gobolada dhexe,hasa yeeshee wuxuu khilaaf xoogan yimid kadib markii si rasmi ah loogu dhawaaqay in caasimada maamulka soo socda ay noqon doonto Dhuusamareeb.

Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu maalinka barri ah tago magaalada Cadaado si uu ula kulmo waxgaradka iyo shacabka magaaladaas loogana wada hadlo  dhamaynta madmadoowga yaryar ee hadheeyey dhisida maamul goboleed ay yeeshaan gobolada dhexe ee Soomaaliya.

ONA/Soomaaliya

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay