Waxaa maanta ooy taariikhdu tahay 11/4/2015 Tell-Conference iskugu yimid kulan uu daadihinayo Isku Duwaha Jaaliyaadka Somalida Ogadenya ee Qaarada Yurub Xildhibaan Cismaan Badal. Waxaa kaloo ka qayb galay kulankan Gudoomiye Kuxigeenka Ururuka Haweenka Ogadenya (UHO) Marwo. Fardawsa Cabdulahi Mukhtar iyo xubno kaloo kamid ah Gudiga Fulinta urur waynaha Haweenka Ogadenya.

UHOKulankan oo ahaa mid si wanaagsan loo soo maareeyay ayaa lagu doortay Maamulka UHO ee Qaarada Yurub. Waxaana Gudoomiye loo doortay Halganto Koos Shariif Xasan. Waxaa iyadana Gudoomiye Kuxigeen loo magacaabay Nafteed Hurto Cibaado Tarabi. Waxaa kamid ahayd xubnihii maanta shirkan kaqayb qaatay Marwo Roosa Cabdiraxman oo kamid ah Gudiga Fulinta ee urur waynaha Haweenka Ogadenya ee UHO.

Shirkan ayaa ujeedadii loosoo agaasimay ay ahayd sidii abaabul iyo dardar galin loogu samayn lahaa hawlaha Halganka Somalida Ogadenya ee kasocda Qaarada Yurub isla markaana loo dhamaystiri lahaa Maamulka UHO ee qaarada Yurub. Waxaa xusid mudan in Urur waynaha Haweenka Ogadenya lagu yagleelay dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ee 2014 magaalo madaxda dalka Denmark ee Copenhagen. Waxaa lagu magacaabay Hogaanka Sare ee ururka iyo Xubnihii Gudiga Fulinta ee UHO.

Shirkan ayaa lagu soo bandhigay qodobo laf dhabar u ah horay usocodka hawlaha Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Ururku uqorshaysnaa hirgalintoodu. Kulankii maanta ayaa kusoo dhamaaday jawi aad uwanaagsan laguna guulaystay dhamaan ajendihii loosoo agaasimay kulanka.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay