Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda (OYSU) faraca Germany ayaa shir ay isugu yimaadeen ku falanqeeyay laba qodob oo muhiim ah. Qodobka 1aad ayaa warbixin laga dhagaysanayay xubnihii faraca OYSU/Germany uga qayb galay Shirweynihii OYSU ee qaarada Yurub iyaga oo lawadaagay xubnaha kale warbixino kala duwan.

Qodobka labad ee shirka lagu falan qeeyay ayaa ahaa abaabul iyo diyaargorow loogu jiro 23ka bishan April oo ah todobaadka fooda inagu soo haya hadii Alla idmo sidii looga qayb qaadan lahaa dhagaysiga aqalka baarlamaanka Yurub, halkaasoo lagaga hadli doono qadiyda wadanka Ogadenia iyo Dimoqraadiyad beenaadka Itobiya. Waxaa la’isla fiiriyay xubnihii uga qaybgali lahaa faraca OYSU iyo jaaliyada Germany dhagaysigaa, iyadoo la go’aansaday in laga qayb galo xubnihii ka qayb gali lahaan ay diyaar noqdaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay