Wararka aan kahelayno wadanka Ogadenia gaar ahaan Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaallo dhowr ah oo Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray meello ka tirsan dhulka Ogadenia oo lagu naafeeyay ciidanka cadawga. Dagaalada aan faahfaahintooda helay ayaa udhacay sidan.

8/4/15 Dawacodhacday oo Tuulada Galadid ee Gobolka Qoraxay katirsan kamiin ay CWXO kaxidheen waxay ku holciyeen 1 baabuur oo nooca Uuraalka ah waxaana ku basbeelay gaadhigii iyo wixii saaraaba.

9/4/15 Geedi’aar oo Dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar katirsan jidgooyo ay CWXO kaxidheen waxay rasaas ooda kaga qaadeen ciidan uu cadawgu leeyahay oo wadada marayay waxaana kala cararkii baabuurta cadawga kaga gadoomay gaadhi, inta lahubana waxaa kaga bakhtiday 6 askari 4 kalana way kaga dhaawacantay.

10/4/15 Qaloocan oo Birqod katirsan dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex maray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay