Waxaa shir aan caadi ahayn isugu yimid jaaliyada S.Ogadeeniya ee magaalada Perth dalka Australia. Shirka oo ay kasoo qaygaleen xubnaha jaaliyadda ayaa looga arinsanayay xaaladda qalafsan ee ka taagan wadanka Yemen halkaasoo ay ku jiraan xeryaha qaxootiga muwaadiniin badan oo S.Ogadenya ah kuwaasoo ka soo cararay dhibaatada gumaysiga Itobiya.

Waxaana shirka lagu furay aayadaha quraanka iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay sheekh Yusuf isagoo dadka kula dardaarmay inay Ilaahay ka cabsadaan una tawbad keenaan. wacdigaa diiniga ah ka dib, waxaa shirka furay gudoomiyaha jaaliyada galbeedka Australia halgame Asad Cabdulaahi oo uga mahad celiyay xubnaha jaaliyada sida xilkasnimada leh ay uga soo qayb galeen shirkan sida dagdaga loo iclaamiyay .

Ka dib waxaa la gudo galay ajandihii shirka oo guud ahaan ku saabsanaa xaalada halista ah ay ku sugan tahay jaaliyada S.Ogaadeniya ee dalka Yemen. Waxaa shirka hadal qiimi leh ka jeediyay isu duwaha JWXO ee Pacific-ga mudane Aadan Cabdiraxman (aadan dakhare) isagoo ka warbixiyay xaaladihii ugu danbaysay ee qaxootigaa ku tabaalausan Yemen isagoo aad ugu dayriyay noloshooda dhanka nadadgalyada caafimaad iyo dhanka maceeshada oo gabaabsi ah.

IMG_0241Waxaa kaloo ka hadlay xidhiidhiyaha dhaqaalaha ee jaaliyaadka Pacific-ga halgame sheekh Axmed Dalmar oo aad ugu baraarujiyay xubnaha shirka timid. Wuxuu yidhi Sh. Axmad; “ILaahay wuxuu yidhi isu naxariista markaas baan idiin naxariisan sidaa daraadeed waa inaan dhagaha laga laaban xaaladaa qalafsan ee jaaliyadeena ay ku sugan tahay.”

IMG_0246Waxaa kaloo shirka ka hadlay afhayeenka JWXO oo guud ahaan ka xogwaramay xaalada qaxootiga Yemen xidhidhiidh joogtana la leh. Wuxuu sheegay mudane Cadaani in jaaliyada Yemen ay u badan yihiin caruur iyo dumar aad ugu nugul colaadaha, sidaa daraadeed loo baahan yahay gurmad degdeg ah in lala gaadho.

guud ahaan shirkaas oo qiiro wadanimo ku dheehnayd ayaa baaq u diray dhamaan jaaliyadaha Ogadenya rugtooda:

Baaq:

Anagoo ah jaaliyadda Perth ee dalka Australia waxaan ugu baaqaynaa dhamaan jaaliyadaha qiimaha leh ee Somalida Ogadenya ee wadaniyiinta ah inay si dagdag ah ugu gurmadaan walaalahooda ku tabaalaysan dalka Yemen. Xaalad aad u qalafsan ayaa ka jirta Yemen, waxaanan la soconaa inay dawlad walba usoo gurmatay dadkoodii joogay Yemen, halkaana looga kala tagay Somalidii ku tabaalaysnayd, gaar ahaan qaxootigeena oo aan garanaynin meel ay ku noqdaan. Hadaan nahay jaaliyadda Perth waxaan bilownay gurmad dagdag ah, waxaanan ka codsanaynaa dhamaan jaaliydaha sharafta leh in aan loo kala hadhin taageerada walaalaheena halkaa ku tabaalaysan.

IMG_0267 IMG_0263 IMG_0259 IMG_0252
IMG_0236 IMG_0235

ONA /Perth

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay