Xaafiiska Jaaliyada Ogaadeeniya ee Koonfur Afrika ayaa shir dag dag ahlagu qabtay,wWaxaana lagaga hadlay xaalada wadanka Koonfur Afrika oo meel adag taagan
Warbixin uu Gudoomiyaha Jaaliyadu siiyay Gudiga ayaa lagaga waramay dhibaato adag oo ka taagan wadanka gaar ahaa gobolka Kwazulu ee caasimadiisu tahay Durban
Halkaas oo ay ka dheceen rabshado si waxshino ah loogu gubay dad Afrikaan ah oo lagu soocayo midabka iyo luuqada waana falalkii ugu naxdinta badnaa abid dhaca kadib markii si wadar ah loogubay dad nool nool lagana duubay muuqaal .
Sidoo kale waxaa laga hadlay guud ahaanba wadanka oo cabsi badan kajirto waxaan maanta xidhnaa ama si liciif ah u shaqaynaya goobo badan oo ay kamid tabay badhtamaha Johannesburg halkaas oo laga walwal qabo dhibaato kutimaada Dadka soogalootiga ah,
Gudoomiyuhu wuxuu kawarbixiyay in aysan jirin tilaabo dhanka dawlada ah oo lagu seexan karo balse meelaha qaar waxaa kasoo baxaya rajo xumo badan  ilaa hadana majirto talaabo laqaaday oo dhanka dawlada ah .
Dhanka kale shirka waxaa lagu gorfeeyay doorka Jaaliyadu ka qaadan karto ka hortaga hawlaha ka cusub wadanka iyo wacyi galin guud oo lagaadhsiinayo bulshada Soomaaliyeed iyo dhamaan Afrikaanka taas oo ah in loo diyaar garoobo cod mida oo dawlada loojeediyo.

Gumaysidiid

ONA/South Africa

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay