3

Saxafi Axmad Cabdi oo Xog-ogaalnimo uga warbixinaya xaaladda nololeed ee ka jirta Yemen, gaar ahaan nolosha adag ay la kulmeen qaxootigii Somaliyeed ee wadankaasi horey usii joogtay.

Duqeymaha cirka ee ay diyaaradaha xulafada Carbeed ee uu hormoodka u yahay Sacuudigu iyada oo ay galeen todobaadkii 4-aad ayaa waxa la sheegayaa in ka badan 6 boqol oo shacab ah in ay ku naf waayeen dagaalada,  halka kumanaan kale oo ku dhaawacmay ay dhakaatiirtu la daalaadhacayso daaweyntooda.

Hadda ba, waxa meesha ka baxday korontadii nolosha dhan aas-aaska u aheyd ka dib markii dagaal u dhexeeya Ma’ribiinta oo warshada korantada soo daari jiray iyo Xuuthiyiinta iyo Ciidamada daacada u ah Ali Cabdille Saalex oo dhinac ah ka dhex qarxay horaantii todobaadkan.

Waxaa mar qudha cirka is ku shareeray maciishadii taas oo meesha ka saaraysa rajadii laga qabay in la isaga sii noolaan karay Sanca duqeymaha cirka haddii aynan wehelin ciidamo cagta ah oo ku dagaalama wadooyinka Magaalada Sanca ee Dalka Yemen.

Waxa aad arkaysa mehradaha oo ay u daaran yihiin mooteerka oo mudo aad u kooban la daarayo sabab la xidhiidha shidaalka oo foostadii awal aheyd 100-ka dollar ay 400 oo dollar cirka la gasho, ka dib markii shurkadii Total ee gaaska ka soo saari jirtay gobalka Shabwa ay shidaal soo saaristii joojisay sababo la xidhiidha amni darada ka taagan Dalka Yemen.

Dadku waxa ay ku tiirsan yihiin hadda in ay gataan habeenkii shamaca la shito kaas oo laftigiisu qiimihiisu kor u kacay  ( 20YR halka uu ka ahaa 30YR ka noqday)  si ay iftiin u helaan habeenkii dadku. Waxa sidoo kale, qaali noqday dhabada naqaska ee shoolada cunada lagu karsado u aheyd dadka. Halkii ay 7 dollar ka aheyd waxa ay hadda maraysaa 13 dollarka Mareykanka.

Waxa gabaabsii galay biyihii oo aad arkayso hiirta waabari iyada oo safaf dhaadheer loogu jiro si baahida biyaha ee baaxadaas leh loo daboolo goobaha’ *fiisabiili Laahida, Dar Alle ku cab, ayaa la maciin biday; waxa adkaatay in booyadda biyaha ah ee markii ay go’aan qasabaduhu lagu shuban jiray lacag yar oo aan ka badneyn 15 dollar in maanta laba goyn kari waayo.

Hay’adda cunada aduunka ee loo soo gaabiyo WFP ayaa waxa ay horay uga digtay in cuno la’aan baahsan ay sabab u noqon karto in ay dad badan gaajo u nafwaayaan wadankan carbeed ee saboolka ah haddii aan cuna’qabateynta laga qaadin.

Waxa ay hay’adu tidhi, ” In ka badan 10 Malyan oo Yemeni ah ayaa iyaga oo aan wax ba afka galin habeenkii guryahooda u hoyda”, taas oo ka dhigan 25-ka malyan ee Yemenidu in 10 ka mid ah aynan helinba wax ay cunaan.

A Somali refugee holds her newborn infant in a maternity ward at Dagahaley camp in Dadaab in Kenya's northeastern provinceGabdhaha Soomaaliyeed oo awal shaqaalo u ahaa guryaha carbeed ayaa haatan ay dhafooraheys ku noqotay ka dib markii ay lacagihii yaraa ee aan ka badneyn 2 boqol ee dollar ay adkaatey in ay ka helaan dadkii ay  uga shaqeyn jireen mushaarooyinkii ay heli jireen in laga gooyo marka ay ka baqeen -lacagta oo dagaalka lagu galayo awgeed-halka kuwa badan ay mar horeba ka soo fadhiisteen shaqadaas af iyo gacan is barka aheyd.

Wadooyinka magaalada Sanca ayaa cidla haawanaya iyada oo gawaadhidu is daba taxan yihiin goobaha shidaalka lagaga shuban jiray wadooyinkana qaar ay xidheen, ka dib markii ay waayeen wax shidaal ah oo ay ku shubtaan. Dadka ayaa sidoo kale maalinba maalinta ka danbeysa aad ugu sii yaraanaya magaalada taas oo sababi karta in ay noqoto  Sanca magaalo rooxaameed cidlo caarsiro ah.

Qashinka ayaa meel walba tuulan ka dib markii shaqaalihii qashinka xaadhi jiray ay faraha isaga qaadeen taas oo sababi karta caafimaad darro baahsan iyo cuduro falkood la waayay in ay ka dillaacaan magaalada Sanca haddii aan si dhakhso ah loogu maaro helin gudaafadda meelkasta dhooban .

Waxa jirta rajo la xidhiidha in ay inta badan furan yihiin xawaaladihii oo qofka loo maqan yahay loo soo dhigi karo marka laga reebo Xawaalada Kaah iyo Taran oo jeebkoodu ciiley mooyee, ka dib markii ay lacago u waayeen macaamiishooda.

Dadka Soomaaliyeed oo tiro ahaan ugu duuwaan gashay hay’ada Qoxootiga ee UNHCR 230,000 ayaa 18,000 oo ka mid ah waxa ay ugu xareysan yihiin Xerada Qoxootiga ee Koonfurta Dalka Yemen oo 120 KM dhanka koonfur-bari kaga aadan Magaalada Cadan.

kharaz-refugee-campWaxa qoxootigan oo horay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya uga soo qaxay ku soo biiray 2,000 oo qoys oo ka soo cara’ray dagaalada wadooyinka Cadan ka aloosan, dadkaas oo dhammaantood dulsaar ku noqday is la xeradan Al-qaras ee daawo xumi iyo madishaa ma nooleyso bur iyo saliid ah nafta horay ugu sa’sabi jiray si uu dhu’dhunkoodu dhulka uga sareeyo.

Al-Qaras, waxa adkaatay in ay helaan lacagihii ay ka heli jireen eheladooda dibada ku maqan ka dib markii ay xidhmeen xalaawadihii loo soo marin jiray lacagaha. Xawaaladaha AL-Qaras waxa ay si toos ah ugu xidhnaayeen Xawaaladaha Cadan ka hor inta aan dagaaladu ka dhicin. Dadka qaar ayaa ku dhaqmaya dariiq aan toos aheyn oo la mid ah ruuxeyga Al-Qaras jooga ii sii kaaga Sanca ama meel kale jooga aan kuu siiyo lacagtee.

Waxa aan laga sheekeyn karin sida ay nolosha oo markii horeba aheyd mid Alle ogaa ah sida deg-dega ah ee ay isu badashay markii uu wax walba adkaaday in la gadan karo waa haddii ba la helee.

Si kastaba ha ahaate, Waxa aan la ogeyn in UNHCR ay sii wadi doonto in  ay dabarto cunno siinta dadka Al-Qaras ugu xaraysan oo hadda 20 kun oo qoys ah iyo in kale. Walow ay Afhayeenka hay’ada Melissa Fleming ay ii sheegtay in ay taas u siimari doonto hay’adaha maxaliga ah in ay xaqiijiyaan helida biyo, baad iyo dawooyinka ay u baahan yihiin.

Axmed Cabdi

halgan85@yahoo.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay