Madax kasocota cadowga ethiopia ayaa ku fashilmay shir ay isugu yeedheen dadka magaalada Los Angeles, California iyo nawaaxigeeda. shirkaas oo lagu qabanayay Convention Center-ka wayn ee magaaladaas ayaa waxaa banaanbax ku sameeyey qoomiyado badan oo ay kamid ahaayeen qoomiyada oromada, axmarada, iyo Somalida-Ogadenia.
shirkaas oo ay ahayd inuu bilowdo kowdii duhurnimo ayaa socon waayay qalalaaso kadhacday meeshaas daraadeed taasoo gaadhay gacan kahadal, dadka meeshaa ku banaanbaxayay oo ay ugu badnaayeen jaaliyada Somali-Ogadenia ayaa waxaa aad uga dhexmuuqday calanka Somalida-Ogadenia, dadkaas ayaa waxay wateen boodhadh ay tusinayeen gobaadka iyo dhibka lagu hayo dadka dagan Ogadenia iyo gobolka Oromada. Dadkaas banaanbaxayey ayaa dhex galay goobtii shirka lagu qabanayey oo laga wadi wayay shirkii

 

 
 

1 Comment

  1. abbdalla says:

    wax la yaab leh ayaa D.qoodhiga halkaas ka raacay, halgankii gumaysiga ku jabiyey gudaha dalka waa kan hadana dibadda ku caydhsanaya tuugta uu soo dirsaday gumaysigu, jaaliyadda reer Ogaadeeniya ee SAN DIEGO iyo LOS ANGELES guulaysta guullana ha idinla jiro

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay