Waxaa maanta shir howl qabsi iyo katashi ah isugu yimid gudiga jaaliyada iyo oysu faraca wadanka Finland ,shirkaas ayay ujeedadiisu u weyni ahaydo u diyaargarowga munaasabadda World village festival oo sannad walba lagu qabto caasimadda Helsinki ee dalka Finland.
Shirkan oo uu furay gudoomiyaha Jaaliyadda Finland  ayuu ka jeediyey warbixin ku qotonta waxqabadka jaaliyada iyo howlaha weli horyaala,waxaa sidoo kale shirka lagu soo dhaweeyey xubnihii OYSU faraca finland uga qayb galay shirweyniighii OYSU ee qaarada yurub oo dhawaan lagusoo gabagabeeyey wadanka Sweden waxayna madasha kasoo jediyeen qaabkii shirweynahaasi u dhacay iyo goaanadii lagu gaadhay oo ay dib ugula soo laabteen jaaliyadooda iyo OYSU faracooda.

Shirkan oo qodabada lagaga wada hadlay ay badnaayeen ayaa waxaa aad diidarada loo saaray siday jaaliyada oo wada socota ay wacdaro uga soo bandhigi lahaayeen bandhig dhaqameedka lagu qaban doono wadankaas Finland oo ay jaaliyadu marar horana ka qayb gashay kaalin laxaad lehna ka gashay ajaanibtii soo bandhigay dhaqankooda.

ONA
Helsinki

1

 

 

 

 

 

 

2

 

 

 

 

 

 

3

 

 

 

 

 

 

 

4

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay