ONLA11

Waajibaadka Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadenya

Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadenya ee JWXO wuxuu u taagan yahay ka xoraynta dhulka Ogaadeenya gumaysiga Itobiya, xoojinta iyo midaynta shacabka Ooomaalida Ogaadeenya iyo ilaalinta khayradka rabaaniga ah.

Xiligan iyo Xaalada Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadedenya

Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadenya (CWXO), waa ciidan habaysan, khibradna u leh Qaabka loola dagaalamo gumaysiga iyo gumaysi kalkaalka, wuxuu naafeeyay ciidanka Wayaanaha, wuxuu ka difaacayaa shacabka damaaciga guracan ee lagu badalayo jinsiyada Soomaali nimada iyada oo damaca gumaysigu yahay in laga dhigo waxa loogu yeedho soomaali-Xabashi (soomalida itoobiya). Wuxuu hor joogsaday CWXO isku day kasta oo loogu gacan kalinayo shidaalka iyo khayraadka Ogaadeenya Gumaysatada Itobiya.

Waxaa socda shirar iyo kulamo ay qaybuhu isugu yimaadeen15-16/4/2015 oo lagu gorfaynayay geedi socodka Dagaalka ka socda Gayigeenan. Waxaa sifiican u socda dhalinyaro ku soo biiraysa ciidanka kuwaasoo kaga soo biiraya gudaha iyo kuwa ka soo qulqulaya dibadaha. Wuxuu galay ciidanku dagaalo badan oo kakala dhacay qaybo badan oo ka mida dalka Ogaadeenya, waxaana dhabarka ka jabinay maxaysatada Wayaanaha, waxaan Qanimaysanay saanadoodii.

Waxaa iayadana hubaal ah markuu dagaal socdo inuu iman shihiid iyo dhaawac
taasna waa sharafta Gobonima doonka iyada oo Alle uu nagu baraarujiyay:

 

وَلَا تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ قُتِلُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ أَمْوَاتًا بَلْ أَحْيَاءٌ عِنْدَ رَبِّهِمْ يُرْزَقُونَ

Dhanka shacabka

Waxaa xusid mudan in shacabka Soomaalida Ogaadeenya uu gumaysigu iyo gumaysi kalkaalku u gaysteen dhibaato baaxad weyn oo naf iyo maal, diin iyo shafba leh. Hasayeeshee wuxuu u gagsaday hagardaamadaas foosha xun wuxuuna la garab taagan yahay hiil iyo hooba Ciidanka wadaniga Xoreynta Ogadenya.
Xaalada gumaysiga ee xiligan

Sida taariikhuhu qoraan ma waaro gumaysi ku dhisan caadaadis iyo cabudhis, sidaad darteed wuxuu gumaysigu xiligan galay marxaladuu ku burburi lahaa iyada oo sababtu  tahay sidan;
1- Waxaa soo ifbaxay khilaaf wayn oo ku salaysan qabiil iyo kooxaysi.
2- Waxaa ku soo foole waxa loogu yeedho doorasho ku sheeg taas oo aysan jirin qoox qooxda kale u ogol kursiga ku salaysan sharka iyo cadaadiska.
3-  Waxaa batay baxsiga iy is-khaarajinta ciidanka Wayaanaha.
4- Waxaa saaxada siibanaynaya dabaqoodhigii loo adeegsanayay gumaadka shacabka S.Ogadenya iyaga oo yeeshay baxsi aan kala joogsi lahayn, waxayn u kala yaaceen wadamada dariska ah sida Kenya, Somaliya, Djabuuti, Suudaan iyo S.Afrika. Waxaa kaloo barbar socda in ehliyadoodi inbadan oo ka mid ahaa Hawaarinta kala soo hadhahayaan sharkii ay ku jireen. Waxaa kaloo jira in qaar badan oo k mid ahaa Hawaarinta ka buuxaan jeelsha gumaysigu ka samaysaty ciida Ogadenya.

Mintid, Midnimo, Isku-Tashi, Guul, Allaahu Akbar.

Xarunta Dhexe ee Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadenya.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay