Waxaa maanta ooy taariikhdu tahay 20/4/2015 si diiran loogu soo dhaweeyay gagida diyaaradaha caalamiga ah ee Copenhagen International Airport Gudoomiye Kuxigeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) Dr. Maxamad Ismaciil. Soo dhawaynta G/kuxigeenka ayaa waxaa kaqayba qaatay xubno kamid ah Hawl wadeenada JWXO ee ka hawlgala wadanka Denmarka.

Gudomiye Kuxigeenka JWXO ayaa kormeer shaqo oo dhawr bari qaadan doona kuyimid wadanka Denmark isagoo kulamo la qaadan doona haduu ilaahay yiraahdo qaybaha kale duwan ee Jaaliyada Somalida Ogadenya ee kudhaqan wadanka Denmark sida Ururka Ardayda iyo Dhalinyarada ¬†Somalida Ogadenya ee OYSU, Ururka Haweenka Somalida Ogadenya ee UHO iyo dhamaan Hay’adaha kala duwan ee ka hawl gala wadanka Denmark.

Dk6Waxaa xusid mudan in Gudoomiye Kuxigeenku uu socdaal shaqo kusoo kala bixiyay wadamada Sweden iyo Norway, kuwaasoo uu shirar iyo kulamo shaqo oo gooni gooni ah uu kula qaatay Jaaliyadaha ku dhaqan labadan wadan. Socdaalkan shaqo ee G/kuxigeenya ayaa lagu wadaa inuu ku mari doono wadamo kale oo kamid ah qaarada Yurub.

Dk8

 

Waxaad wararkaanaga dambe haduu ilaahay yiraahdo kaga bogan doontaan warbixino waafi ah oo kusaabsan booqashada Gudoomiye Kugeenku uu kuyimid wadanka Denmark.

Dk9

Dk3

Dk1

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay