Gudoomiye Kuxigeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) Dr.Maxamec Ismaciil Cumar oo baryahanba booqasho shaqo kumarayay wadamo kamid ah qaarada yurub ayaa la kulmay xubno muhiim ah oo kamid ah dadwaynaha Soomaliyeed ee ku dhaqan dalka Norway mudadii uu kusugnaa caasimada wadanka Norway ee Oslo. 
 Osl5
 Gudoomiye kuxigeenka iyo xubnihii uu la kulmay waxay wada gorfeyeen arimo muhiim ah oo kusaabsan xaalada Geeska Afrika gaar ahaan arimo sigaar ah ukhuseeya ummada Soomaliyeed meelkastooy joogaanba. Waxay labada dhinac ee kulankan uu dhexmaray is dhaafsadeen warbixino muhiim ah oo khuseeya ummada soomaliyeed.
Osl6
 Waxaa kaloo si qoto dheer leh looga wada hadlay xaalada halganka shacabka Somalida Ogadenya ee lagu baadi goobayo sidii xornimada iyo xuquuqda shacabka Ogadenya uu xaqa ulahaa lagu heli lahaa.
Dhanka kale wuxuu Gudoomiye Kuxigeenka JWXO lakulmay inuu joogay wadanka Norway ururada bulshada ee Jaaliyada Somalida Ogadenya kuwaasoo ay kamid ahaayeen OYSU iyo UHO.
Kulankan wuxuu kusoo dhamaaday jawi is afgarasho iyo rayn-rayn leh  waxaana lagu balamay in la joogteeyo kulamadan noocan oo kale ah si guud ahaan gumaysiga  iyo xeeladihiisa guracan looga wada hortagi lahaa.
ONA / Norway
 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay