SU-AAL NIN GAAJO DISHAY AGAS MALEEYAHAY?

Macnaha su-aashu waxay ka turjumaysaa hadii ruuxu udhinto gaajo cuno la,aan xabaashiisa in lagu qalo xoolo ma dhici kartaa hadayse dhacdo wax caqliga galaya matahay?

Sida aan ognahay markii ruuxu dhinto waxaa lagu qalaa xabaal qod si ay dadka xabasha qoday u cunaan arintaas waxaa laga yaqaanaa gayiga Soomaaliyeed intiisa badan

Hadaba sida aan wada ognahay dagaalyahamiinta mayalka adag ee ISIL ayaa kurka kajaray 28 udhalatay wadanka looyaqaano Ethiopia kuwaas oo kasoo qaxay xukuumada tirada yar ee Wayaanaha kadib markii ay u adkaysan waayeen dhibaatada, cadaalad darada, xadhiga, dilka, handadaada, amarkutaaglaynta lagu hayo dalkooda iyo dadkooda sidoo kale gaajada, cuno yaraanta, horumar la,aanta, aqoontarada, isbadal darada iyo cudurada si badanaya waxayna naf lacaari bideen in ay tahriib ugu jeexaan iyagoo katalaabay xada Sudan haklaasna uga gudbay Liibiya waxaana gacanta kudhigay kooxda Islaamiyiinta ah ee ISIL halkaas oo ay ka duubeen muuqaal argagax ah oo muujinaya dilka iyo gawlaca loogaystay Ethiopianka

Hadaba waxaa wadanka Ethiopia laga diyaarinayaa baroordiiq wayn oo la isugu keenayo dad aad u badan waxaana ku baxaysa balaayiin lacagta Birta Ethiopia ah ragaasna waxay ahaayeen shaqo la,aan iyo gaajo kasoo saartay gudigooda

Ma lays dhihi karaa waa ninkii gaajada u dhintay ee la askay?

Dhanka kale ninkii qixiyay muwaadiniinta mustaqbalkoodiina ku ciyaaray isla markaana abuuray colaad ku xeeran ma la dhihi karaa oohintiisu waa iska yeel yeel ?

Sidaan wada ognahay arintani waa mid araggax leh marka aad aragto ruux la gawracayo balse waxaan hubaa hadii ay ISIL muuqaalka kaameerada ka reebi lahayd cidna ma ogaateen ama war maqal ah oo ruuxna rumaysto ruuxna beensado ayuu noqon lahaa

Waxaa ka dhacay wadanka Ogaden oo aan muuqaal laga haynin balse goob joogayaal lahayo

2008 Noogob nin u dhashacay Ogaden ayaa ciidamada wayaanuhu silig ku marjiyeen markii uu dhintay ayay kaga tageen meel ay dageen oo ay kudileen waxaa layaab ahayd markii maydkii laga furay siliga ayuu dhawaaqa neeftii kutaagnayd ayaa mar dibada timid waxaana argagax iyo garacan la muraara dilaacay dadkii ehelada ahaa ee goobta joogay

2007 waxaa magaalada Waafdhuug ee gobolka doolo lagu gawracay 3 dhalinyaro ah waxaana maydkooda la helay yagoo kurooda iyo jidhkoodu isku oolin

2008 waxaa magaalada Qoriile lagu gawracay 14 ruux waxaana ka bad baaday Rumaan oo ku nool wadanka Kenya waxaana ku yala calaamadii siliga waxaana looga tagay mayd ahaan

Waxaad xasuusataan galaalshe waxaa lagu gawracay 32 ruux tiro maleh dadka ay Ethiopia birta ka asashay

Waxaa aad u badan inta lagu xasuugay Oromiya iyo Gambela 2014 waxaa la dilay boqolaal arday ah oo oromo ah wax ka argagaxay iyo wax ka hadlay midna maijrin

Habada nadaamka Ethiopia inta layska indha tirayo qaylada dadka dulmana dhagaha laga furaysanayo waxaa dhici wax kasta oo suura gal ah

Ethiopian ka la laayay waxaa masuul ka ah xukuumada Wayaanaha ee xooga ku haysata dadka iyo dalka aan rabin

Waxaa lumay cadaaladii waxaana soo banana baxay dulmigii

By Gumaysidiid

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay