zulu tribeBoqorka qabiilka ugu faraha badan dalka Koonfur Afrika ee Zulu ayaa lagu eedeeyay in hadal uu ku hadlay ay ka dambeeyeen dhibkii loo gaystay dadka Afrikaanka ah ee magaalada Derban. Haya’adda Xuquuqda Aadanaha ee Koonfur Afrika (SA Human Right Commission) ayaa Arbacadii lasoo dhaafay dacwad kusoo oogay Boqorka dacwad ay leeyihiin hadal uu yidhi oo ahaa; “Waxaan ka codsanaynaa dadka ajnabiga ah inay qaataan booqsooyinkooda oy dib ugu noqdaan meelihii ay ka yimaadeen (“We ask that immigrants must take their bags and go where they come from.” ayaa kiciyay dhalinyarada dhibka gaysatay.

Boqorka ayaa markii hore diiday inuu yidhi hadalkaa oo ku eedeeyay saxaafadda inay dhalan rogeen hadalkuu yidhi, hasa ahaatee markii dib loogu soo celiyay hadalkiisa ayuu bilaabay inuu is-difaaco, isagoo yidhi ujeedadaan ka lahaa mid aan ahayn oo ka badbadin ah ayaa loo adeegsaday.

king goodwillBoqorka oo aad loogu eedeeyay Ajnabi-Nacayb (Xenophobia) ayaa shalay garoonka ciyaaraha kala hadlay dad gaadhay toban kun. Intuusan boqorka hadlin ayaa waxaa ereyo sharaxaad ah ka bixiyay amiir Mangosuthu Buthelezi oo yidhi sikastoo loo dhigo hadalkii Boqorka, marnaba ma uusan amrin Boqorka in dad la laayo ama la gubo ama la boobo xoolahooda.

Ka dib, Boqorka oo hadalka qaatay ayaa yidhi; Dadkii maqlayay hadalkaan ka sheegay Pongola, qofna ma dilin, dambina ma gaysan. Waxa la’iga sheegayna run ma’aha. Waxaan rabaa in aan cadeeyo waxaan idhi, sababtoo ah saxaafadda ayaa dhalan rigtay hadlakaygii ..  “.. I need to clarify what I said, because the media has misrepresented me” said Zwelithini.

Hasa ahaatee waxay saxaafadda ku adkaysanayaan ilaa hadda in arinta kicisay xiisadda ay ahayd hadalka uu yidhi Boqorkaa ee ahaa ajnabiga ha qaateen boorsooyinkooda oo hanoqdaan ( “pack their bags and go home”?, arintaasoo aanu Boqorka sharaxaad ka bixinin.

Boqor Goodwill Zwelithini wuxuu Oday ka yahay Gobolka KwaZulu Natal oo ay dagan yihiin 10 Milyan oo qof.  M/weynaha dalka Jacob Zuma JZ ayaa ka mid ah dadka u dhashay gobolkaa KwaZulu Natal.

Sii Akhri

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay