Waxaa maanta Magaalo Madaxda Gumaysiga Itoobiya ee Addiss Ababa banaan bax iskugu soobaxay boqolaal shacab ah oo si nabadgaliyo ah dareenkooda kumuujinayay kadib markii wadanka Liibiya lagu laayay dad Itoobiyaan ah. Maxaysata ciidanka Gumaysiga ayaa kala hortagay shacabka mudaaharaadayay weerar aan loo kala aaba yeelin taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac badan. Ciidankan Gumaysiga Itoobiya oo ku caan baxay xad gudubyada kadhanka ah xuquuqda aadamaha ayaa sibadheedh ah oogu xad gudbay boqolaal shacabka ah oo iskugu soobaxay magaalada Addiss Ababa.

Sida kamuuqata muuqaalkan hoose waxaad arkaysaan booliska Itoobiya oo si naxariis dari leh ugaraacaya shacab rayadka ah oon waxba galabsanin kaliya ineey banaan bax iskugu soobexeen. Waxay wararku sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac farabadan uu kasoo gaadhay qaar kamid ah shacabkii banaan baxan iskugu soo baxay meesha qaar kalana jeelka loo dhaadhiciyay. Hadaba daawasho wacan muuqaalkan naxdinta badan.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay