ONLA22Wararka aan ka helayno Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa sheegaya dagaallo badan oo wadanka Ogadenia ku dhexmaray CWXO iyo kuwa gabalkoodii sii dhacayo ee gumaysiga Itobiya. Dagaaladan oo  badnaa weeraro ka imaanaya dhinaca ciidanka Nlhurayaasha Jabhadda ONLF ayaa ciidanka wayaanaha lagu gaadhsiiyay khasaare naf iyo maalba leh waxaana lagaga dilay inta la hubsaday 23askari oo darajooyin kala duwan lahaa iyo dhaawac badan oy kala tageen goobaha dagaalka. Faahfaahinta dagaaladan ayaa u dhacay sidan;

5/4/15 Heedaan oo dagmada Dhagaxmadow katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

5/4/15 Dooli oo tuulada Dhadhame ee Gobolka faafan katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga Ethiopia lagaga dilay 2 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

6/4/15 Guradaxaajiga oo dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan dagaal fool kafool ah oo CWXO iyo kuwa gumaysigu iskaga horyimaadeen waxaana ciidanka wayaanaha lagaga dilay 2 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

6/4/15 Hoola oo Dhagaxbuur katirsan weerar ay CWXO ku qaadeen ciidan uu cadawgu leeyahay oo halkaas ku sugnaa waxaana ciidankii wayaanaha lagaga dilay 4 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

7/4/15 Ararso oo dagmada Dhagaxbuur ee xarunta Gobolka Jarar katirsan dagaal CWXO iyo kuwa cadawga ku dhexmaray waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 4 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

8/4/15 Gobodheere oo dagmada Dhuxun katirsan weerar ay CWXO ku qadeen ciidanka wayaanaha oo halkaas marayay waxayna dagaalkaas cadawga lagaga dilay 3 askari 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

12/4/15 dabatu oo Tuulada Cobasha ee Gobolka Nogob katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 4 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay