Marka laga hadlayo umad ama Mushtamac, waxaa laga eegaa dhinacyada, Afka, Diinta, dhaqanka, dhaqaalaha iyo dalka ay ku nool yihiin sida uu yahay Juquraafi ahaan  sida wax-soo saarka beeraha, xoolaha nool iyo khayraadka dabiiciga ah.

Intaas oo dhan markii qiimayn lagu sameeyo  ayaa la sheegi karaa in umadaasi ay isku filan tahay islamarkaasna ay noqon karto  dawlad  buuxda  oo hanan karta bulshadeeda.

Hadaba  dalka Ogadeniya, ilaahay wuxuu ku manaystay khayraad dabiici ah oo aad u badan, xoolaha nool  iyo dhul-beereed baaxad wayn leh, dadka ku noolna wuxuu ilaahay siiyey  in ay isku Af, diin iyo dhaqanba noqdaan.

Balse waxay caqabado kala duwan, gumaad iyo bah dil aad u wayn kala kulmeen  guumaystayaashii kala duwanaa ee  dalka soo maray  haba ugu danbayso xukuumadan ku dhisan daadinta dhiiga shacabka ee wayaanaha.

Run ahaantiina  waxay noqotay xukuumada kooxda TPLF midii ugu xumayd ee abid soo martay  dalka  hooyo, marka laga jaleeco dhinacyada, xasuuqa dadwaynaha, la dagaalanka horumarka, iska horkeenka iyo isku dirka bulshada, waxayna siyaasadooda oo dhani ku qotantaa nidaankii ahaa Qaybi oo xukun, si markasta aan loo arag bulsho isku aragti ah  oo meel uga soo wada jeedsada la dagaalanka guumaysiga Ethiopia.

Balse arintaas waxaa been yidhi  shacabka geesiga ah ee S/ogadeniya  oo qarnigii ugu danbeeyey dagaal gobanimadoon ah kala soo horjeeday guumaystayaashii kala duwanaa ee dalka soo maray, maantana waxaa wadanka ka socda  halgan Gobanimadoon oo ay hormuud u tahay Jwxo, taas oo markii ugu horaysay taariikhdeena, Caalamka Bartay Qadiyada Ogadeniya.

Waxay sidoo kale isku xidhay bulshada S/ogadeniya ee ku nool  dalka iyo dibadiisaba.

Waxayna Natiijo muuqata ka keentay dagaalkii ay kula jirtay, xukuumada guumaysiga Ethiopia, kadib markii ay noqotay jabhada ugu xooga wayn ee dagaalka kula jirta xukuumada Ethiopia.

Midaas oo keentay in ay kooxda wayaanuhu shirqoolo badan u dhigto Jwxo iyo guud ahaanba shacabka S/ogadeniya.

Shirqooladaasna intoodii badnayd waa la fashiliyey, waxaana ugu danbeeyey Kooxda hawaarinta ee loo abuuray sidii ay u baabi’in lahaayeen umadooda.

Hadii aan u soo noqono dulucda barnaamijkeena, islamarkaasna aan fasiraad ka bixino Ciwaanka qormadeena ee ah  Aydu way Ciyi Safarkuna wuu socon., Umadi markii ay halgan kula jirto Guumaysi dalkooda xoog ku haysta, waxay u martaa hanashada Xoriyada, dhibaatooyin iyo Caqabado aad u badan oo ay ka mid yihiin gumaad, ba,an sida kufsiga Dumarka, laynta dadwaynaha, xidhay, jidh dilka iyo gubitaanka Magaalooyinka iyo Tuulooyinka.

Wuxuuna guumaysigu islamarkaasba bulshada dhaxdeeda ka abuurataa koox Calooshood u shaqaystayaal ah oo guumaysiga u soo jaajuusa  dadwaynaha intiisa kale. Kooxdani mudo ayey shaqaysaa markii ay wax guul ah soo hoyn waayaana, wuxuu guumaysigu abuuraa, Maleeshiyaad u hubaysan oo dagaalo toos ah lagala, gobanimadoonka …

Maleeshiyaadkan waxaa loo carbiyey sida ayda oo kale, mana jirto cid ay ka xishoonayaan hadii ay tahay hooyadii dhashay iyo dadwaynaha intiisa kale, guumaysigana iyagaa uga daran laynta iyo xasuuqa dadkooda.

Maleeshiyaadkan noocaas oo kale ah aad ayaa loo hubeeyaa, lacago badana waa la siiyaa si xumaanta ay ku jiraan ayna marnaba u dareemin  oo hawshooda qudhunka ah ay u sii wataan.

La dagaalanka Gobanimadoonka, guumaysigu wuxuu ku bixiyaa dhaqaale iyo Ciidanba, guumaysi kalkaalkiisana wuxuu siiyaa awood aad u balaadhan si dadka wax magaratada ah loo dareensiiyo in ay iyagu ismaamulayaan.

Dhamaan arimahaas aan ka sheekaynayno, waxay ka jiraan wadanka Ogadeniya, guumaysiga Ethiopiana wuxuu isticmaalay waxkasta oo uu miciin bidayey, si uu uga guulaysto Gobanimadoonka JWXO balse arintu waxay noqotay Maah-maahdii Carbeed ee ahayd Aydu way ciyi  safarkuna wuuu socon, waxkasta oo ay  xukuumada Ethiopia la timaado ma joojin karo habsami u socodka halganka gobanimadoon.

Wakhtiga la halgamayaa in uu dheeraado iyo in uu gaabto, waxay ku xidhan tahay qadarka Rabi  balse markasta waxaa loo baahan yahay in aan la nimaadno, dadaal dheeri ah, ilaalinta Midnimada  iyo in aynu hal meel ah uga soo wada jeedsano cadawga umada Soomaaliyeed ee Ethiopia…….

Wakiilada guumaysiga Ethiopia ee maanta ka arimiya Ogadeniya ee hor-joogaha uu u yahay Cabdi ilay, waa calooshood u shaqaystayaal  uu guumaysigu isticmaalayo  wakhti gaaban islamarkaasna  aan mustaqbal fiican lahayn, waxayna ku naaxeen daadinta dhiiga shacabkooda balse dunidan aan ku nool nahay lagu marag waligeed

qof guumaysi dadkiisa ka raaca, oo meel fiican ku danbeeyam dhamaantoodna waa la isticmaalaa kadibna waa laga takhalusaa, taariikhdooduna waxay noqotaa mid madaw oo aakhiro iyo aduunba aan fiicnayn..

Waxaana hubaal ah in marka ugu danbaysa uu Gobanimadoonka xaqa ku taagani  uu ka guulaysanayo Guumaysiga iyo Colooshood u shaqaystayaashiisa.

Balse waxaa bulshada halgamaysa looga baahan yahay  samir, dulqaad midnimo iyo in ay u adkaystaan dhibaatooyinka ka soo gaadha guumaysiga

Tusaale ahaana waxaa inoogu filan bulshada Koonfur Africa, waxay  cadaankii qabsaday ee guumaysanayey  la dagaalamayeen  mudo ka badan 80 sanadood iyaga oo diidanaa  midab-takoorka  iyo cadaadiskii ba’naa ee ay kala kulmayeen, cadaankii tirada yaraa ee xukunka dalkooda qabsaday.

Kadib, dadaal dheer, xasuuq ba’an iyo sanado badan oo dhibaatooyin iyo rafaad ah waxay shacabka South Africa ka guulaysteen guumaysigii cadaa sanadku markuu ahaa 1994tii, wakhtigaas oo markii ugu horaysay dalkaas loo doortay madaxwaynihii ugu horeeyey ee madaw ah Halgamaagii caanka ahaa Nelson Mandela..waxaana halkaas lagu soo afjaray qarniyo guumaysi iyo cadaadis ahaa..

Dhinaca kale markii laga hadlayo Guumaysi iyo halgan, khadhaadhkii aduunkan aan maanta ku nool nahay, waxaa la soo qaataa halgankii dheeraa ee shacabka reer Aljeeriya  ay kala horyimaadeen  guumaysigii horarka ahaa  ee Faransiiska, kaas oo samaystay in ka badan  150, 000 (boqol iyo konton kun), oo Maleeshiyaad calooshood u shaqaystayaal ah  si ay u ilaaliyaan xukunkiisa Aljeeriya, waxaana la ogsoon yahay inuu Faransiisku rabay in ay Aljeeriya ahaato waligeedba qayb ka mid ah dalka Faransiiska, balse waxaa arintaas been yidhi jabhadii u istaagtay soo celinta sharafta dadwaynaha Aljeeriya, waxaana la wada xusuustaa qaraxyadii tirada badnaa ee ay Dumarka Aljeeriya, caasimadooda kula beegsan jireen  guumaysigii cadaa..

Waxayna jabhadii reer Aljeeriya ku guulaysatay in ay dalkooda ka xoreeyaan guumaysigii Faransiiska iyo maleeshiyaadkii uu samaystay…

Hadaba guumaysiga Ethiopia ha ka sameeyo wadanka Ogadeniya Maleeshiyaad uu cabdi ilay horjooge u yahay, waxaa u hubaal ah in uu shacabka S/ogadeniya hanandoono xoriyadiisa insha allaah ha dheeraato amaba ha dhawaatee islamarkaasna ayna  u joojin doonin halganka hubaysan waxkasta oo uu guumaysigu la yimaado.

Sikastaba ha ahaatee,, halganka ay jwxo ugu jirto sidii cadawga umada Soomaaliyeed looga xorayn lahaa dalka Ogadeniya, wuxuu la yimid dhamaanba si fooyinkii soo dadajin lahaa xornimada dalka hadii ay tahay dhinacyada Mulatariga, abaabulka, siyaasada  iyo midnimada, waxaana maanta wadankeena ka dagaalamaya Naftood hurayaal wiilal iyo gabdhaba leh oo wacad ku samaray, una samraya sidii ay cadawga Ethiopia u dhaafin lahaayeen dalka..

ICDS/ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay