Shalay ooy taariikhdu ahayd 23/04/2015 waxaa Xarunta Baarlamaanka Midawga Yurub ee Brussels lagu qabtay dhagaysi kusaabsanaa Gumaysiga Itoobiya iyo sida sharci darrada ah eey ula dhaqanto shucuubta ay gumaysato ee kuhoos dulman.

Waxaa dhagaysiga soo diyaariyay kaalin muuqatana kaqaatay Jabhadda Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) iyo Dallada Ururada kumidoobay UNPO. Waxaa dhaysigan kasoo qaybgalay xubno Baarlamaanka Yurub kasocday, madax iyo xubno kasocday Jaaliyaadka Somalida Ogadenya ee London iyo Holland. Waxaa kaloo kulankan ka qaybgalay saxafiga caanka ah ee lagu magacaabo Graham Peeble oo xaalada wadanka Ogadenya wax badan kaqoray, Aqoon yahano kasocday Qawmiyadaha Oromada, Sidaamo iyo Gambella. Waxaa shirka daadihinayay mas’uuliyiin kasocday ururka UNPO. Waxaa iyaguna madasha shirku kasocday soo buuxiyay wufuud kasocday hay’ado iyo ururo caalami ah.

Ep2

Ajendihii Shirka: Dhibaatadduu maamulka Addis Ababa kataliya uu shacabka wadanka kunool ugaysto sida Dilka, Xadhiga, Kufsiga, Baro-kicinta, Dhul kaqaadista sharci darrada ah iyo in mucaawinada lasiiyo aysan shacabka gaadhsiinin balse ciidamada Gumaysiga Itoobiya ay leexsadaan.

 Madaxda ONLF ee dhagaysigan ka qaybgalay waxaa kamid ahaa Mudane Cabdiraxmaan Shekh Mahdi Maadeey Hogaanka Arrimaha Dibadda ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya JWXO iyo Mudane Cismaan Bedel Iskuduwaha Jaalliyaadka Qaarada Yurub. Waxaa kulankan khudbado dhaxalgal ah kasoo jeediyay Mudane Cabdiraxmaan Maadeey, Juwayriya Maxamed Biixi iyo Ducaale Cabdiraxmaan Maadeey. Waxaa siqoto dheer leh ooga hadashay xaaladda eey maanta Itoobiya kusugantahay iyo dhibka eey shacabkeeda mudada dheer kuhaysay Marwo Anna Gomez oo ah Xubin kamid ah Baarlamaanka Miyawga Yurub (MEP).Waxaana hadaladeedii kamid ahaa” Markaan go’aaminay in aysan Yurub goob joogeyaal udirsanaynin doorashada Itoobiya ka dhacaysa in uu maamulka Addis Abeba fadhiya noogu soo jawaabay Midowga Yurub lacag la’aan darteed yaysan goob joogeyaal usoo dirsan karin”.

Ep3

Dhegaysigan oo ahaa mid sifiican diiradda loogu saaray xaaladda Gumaysiga Itoobiya ee fadhigiisu yahay magaalada Addiss Ababa, waxaa kaloo masuuliintii kahadlay kamid ahaa Mr Graham Peeble oo ah Saxafi madax banaan. Dhegaysigan oo socday muddo 4 saac ah wuxuu ku dhammaaday oo laysla qaatay in shucuubta maamulka Addis abeba ku hoos nool ineey midoobaan iskana kaashadaan sidii maxaysata Itoobiya talada uhaysa talada dalka looga wareejin lahaa.

Ep1

 

ONA

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay