Wuxuu halgamaagii umadda Soomaaliyeed Sayyid Maxammad Cabdille Xassan inooga tagay murti qiimi badan oo 95 sano geeridiisii kadib ay wili taabanayso damiirka iyo dubaakha waddaniga Soomaaliyeed.

Anaa diiday dagal inaan la galo, daalin ii colehe

Dalka ma lihid anigaa ku udhi, doora weynaha e

Anaa diiday nabaddiisa aan, daacad noqonayne

Anaa diiday deeqdiisa ay, naari dabataale
Taliska gumaysiga ee xaruntiisu tahahay magaalada Addis Ababa ayaa wuxuu ku qabtay 9kii bishan 4aad 2015 xaflad balaadhan magaaladda Qabridahar ee xarunta Qorahay, Ogadenia. Munaasabaddan ayaa loogu wanqalay dhagax dhigga jaamacadda Qabridahar taasooy ka soo qaybgaleen dad ay kujireen ku xigeenka raysul-wasaaraha gumaysiga Itoobiya, wakiilka gumaysiga ee gobalka, labo wasiir oo federal ah iyo qaybaha kala duwan ee shacabka ku nool magaalada.

Muhiimadda igu kaliftay inaan qoraalka la wadaago dadweynaha ayaa ah dareen aan maalmahan ka dheehanayay shaashadaha barta internetka ee qaarkood faafiya borobogaandada gumaysiga. Halkaasood ku arkaysay dad la riyaaqsan “dhagax dhig” waxa ka danbeeya Alle uun ogyahay. Waxaana isweydiiyay taloow dadkan dhagax dhigga danaha laga leeyahay sidaa ugu damaashaadi sidee bay u damaashaadi lahaayeen haddii ay heli lahaayeen dal kooda oo Afrika horyaal ka ah dhanka waxbarashada?

Qorshaha TPLF/EPRDF ee ku aadan kobcinta waxbarashada sare ee Itoobiya

Habraacii uu ku hoggaaminayay dhagar qabihii bakhtiyay ee Meles Zenawi jabhadda TPLF/EPRDF ee huwan shaatiga dawladnimada ayaa waxaa kamida in la balaadhiyo ama la badiyo goobaha waaxda waxbarashada khaas ahaan tan sare iyadoo looga golleeyahay dhawr arrimood oo halbowle u ah sii noolaanshaha siyaasadeed ee kooxdan. Sababaha ugu muhiimsan ayaa waxaa kamida; in indhaha deeq bixiyayaasha caalamka la iskaga sii jeediyo si loogu tusiyo deeqaha soo gaadha in meel wanaagsan lagaliyay, si joogta ahna barnaamijku unoqdo mid loogu dawarsi tago dalalka reer galbeedka ee iyagu naas-nuujiya; waxaa kaloo looga danleeyahay in jaamacadaha loo adeegsado goobo lagu faafiyo borobagaandada TPLF/EPRDF si loo soo saaro hoggaamin iyo kaadir cabsan mabaadi’da kooxda; sidoo kale waxay jaamacadaha loogu talogalay in lagala socdo dhaq dhaqaaqqa da’yarta oo la ogaado qofka halista ku ah taliska iyo kan alloow-sahalka ah; waxaa iyana kamida sababaha in la siyaasadeeyo si loogu abaal mariyo qoomiyadda taageerta kooxdan, laguna ciqaabo kuwii ka gaabiya taageeradooda.

Jaamacaduhu haba badtaane, abooyinoow  tayadoodu waa sidee?

Waxbarashada sare oo la balaadhiyo waa arrin wanaagsan, balse su’aasha imanaysa ayaa waxa ay tahay sida loo balaadhiyay ma loo tayeeyay mise jaamacadduba waa aqal qalaalan oo arday gaajaysani dhax fadhido?
Waxaa Itoobiya ka jira tiro dhan 35 jaamacadood oo hoos-yimaad federaalka, waxaa iyana xusid mudan inay jiraan jaamacado iyo machadyo kale oo si gooni ah loo leeyahay. Markale, waxaa isweydiin mudan in la ogaado waxanoo jaamacad ah, baahi intee la eg ayuu uqabi karaa dal sabool ah oo faqrinimada ka galay kaalinta 2baad dunida oo dhan sanadkii hore ee 2014, sida jaamacadda Oxford daraasad ku soosaartay? Waxay u egtahay “disproportionate” ama dheeli-tir-la’aan kolka la is barbardhigo saboolnimada jirta iyo sida kooxdani culays usaareen balaadhinta jaamacadaha dalka. Daraasad lagu soo saaray jaraa’idka The African Economist sanadka 2015 ayaa lagu soo bandhigay boqolka (100) jaamacadood ee Afrika ugu horeeya. Dalka Itoobiya, wuxuu ku yeeshay hal (1) jaamacad oo qudha, taasoo iyana ka gashay kaalinta lixdan iyo kowbaad (61) qaaradda Africa.

Waxaan shaqsi ahaan isku dayay inaan bal u kuuro galo waxa ay ugu magac dareen “Expansion of Higher Education” balse kolkaan booqday barta internetka ee wasaaradda tacliinta Itoobiya, waxaan ugu tagay riboodyo (reports) hore iyo bogag marin habaabin ah oo aanan furmaynba. Sidoo kale waxaan isku dayay inaan jaamacadda Jigjiga xarunteeda internetka aan dhax qaado balse iyana wayba ka liidataa xagga taya xumida iyo ka shaqaysiin la’aanta bogga. Waxaan booqday oo kale bogagga bulshada ee loo yaqaan Facebookga iyo Twitterka isla jaamacadda Jigjiga, mindhaa waa la dhisay uunee hal farriin ahba lama soo dhigo. Waxaa yaab igu reebay in jaamacad dhan ay “fellow” garayso boggeeda Twitterka ah kooxda kubadda cagta ee Barcelona iyo ciyaartoyga Wayn Rooney oo qudha, waxaadba moodaa in jaamacaddu ay tahay waax ka tirsan wasaaradda sportiga.

Ashkhaas hadda ka hor soo dhigtay qaar kamida jaamacadaha Itoobiya oo hal iyo labo aan wax ka waydiiyay ayaa ila wadaagay dacdarada ka jira iyo rafaadka ku haysta ardayda. Waxaa kamida dhibabka ay tilmaameen in sida loo joogo korontadu iska tagto, inuusan jirin buugaag tixraac ah oo kufilan, in jaamacadaha Itoobiya aysan lahayn internet la jaanqaadi kara casriga 21aad, inuusan jirin qalab tayaysan oo cilmi baadhis lagu sameeyo, macalimiinta oo boosbuuxis ah kuna yartahay aqoonta iyo waayo aragnimada. Waxaa ardayda jaamacadaha intaa usii dheer cabudhinta hal abuurka iyo madax banaanida fikirka. Waxaa jira oon ka warhayaa shaqsi ahaan, arday jaamacadda Jigjiga lagala baxay oo la xabsiyeeyay, kuwo la igu yidhi siyaabo kale duwan ayaa loo laayay. Dabcan, waxaa wili xasuusannaa kontankii (50) arday ee Oromada ee iyagoo si nabad galya ah ubanaabaxaya xabadda lagu laayay jaamacadda Ambo.

Qolyaha Kililka ee luflufka TPLF/EPRDF garaadka shacabka u xeendaabay

Waxaa wax lala yaaba ah, dad ku hoos nool gacan gumaysi sabool ah (second poorest country in the entire universe), haddana sagaalka ismaamul ku sheeg ee ka jira Itoobiya ugu sii liita inay kharash ku bixiyaan xaflado loogu damaashaadayo taagow dhagax dhig lala beegsaday xilli doorasho si loogu buun buuniyo TPLF/EPRDF iyo kuwa udhaga nugulee dhiiga dadkooda lagu naaxiyay. Kadib xafladdii dhagax dhigga ee magaalada Qabridahar, waxaa raad raacay xaflado kale oo iyaguna ula kac looga soo abaabulay magaalooyin dhawr ah ooy kamid yihiin London, Birmingham iyo magaalada Dhagaxbuur oo ardayda iyo shacabkii magaalada lagu kalifay inay cadceedda isugu soo baxaan uguna hambaliyeeyaan “Maamulka Suuban” “Hormarka” uu gaadhsiiyay (dhagax dhig jaamacadeed) – taasoonan la hubin in xabsi wadareed ay ku danbayn doonto iyo inkale, maxaayeelay koolkaad adigu leedahay go’aanka ayaad hubi kartaa hirgalintiisa.

Waxaa wax laga caloolyoowba ah in qof looga fadhiyay inuu utafo xayto sidii dadkiisa uu ugaadhsiin lahaa caalamka tilaabsaday oo wiliba uu ugu kabo gashan lahaa siduu jaamacado tayaysan uga dhisi lahaa dhamaanba magaalo madaxda 9ka gobal ee Ogadenia, inuu u ililaasayo dhagax dhig jaamacadeed oo sharuudaysan. Labada ismaamul dawladeed ee xadka gumaysigu dhigay inoo dhaxeeyo ee kala ah Putland iyo Somaliland, mid walboo la arkaa waxay leedahay tiro ka badan 10 jaamacadood. Mid la arkaana adigaa ka dad badan. Toloow ma waddan Itoobiya ka quwad wayn baa heerkaa gaadhsiisay labadan ismaamul dawladeed?

Weynan garanayn ee waxaa ceeb ugu filan qolyahan Jigjiga inay taniyo maanta hal (1) jaamacad lagu maaweelinayo (kolka laga tago balan qaadka jaamacadda Qabridahar). Inaad leedahay dhul ahaan gobolka labaad ee ugu weyn Itoobiya, sidoo kalena aad tahay qawmiyadda ugu badan kolka laga soo tago Oramada iyo Xabishida misena sidaa aad udhafoor egtahay laguuno takooro, waa dhimoo Alle kuuma naxariisto xaalkiinu.

Jaamacadaha sidoodaba waxaa loo dhigtaa in waxbarashada laga sal gaadho, waxaana wax loo bartaa in maskaxda laga xoreeyo aqoon la’aanta, gumaysi maskaxeedka IWM. Waxbarashadu waa inay qofka u ogashahay inuu hal abuur yeelan karo, wax su’aali karo, wax dhaliili karo islamarkaana qofka ay ka dhigi karto shaqsi masuuliyad qaadi kara lalana xisaabtami karo. Blasé, kolka ardayda jaamacadaha Itoobiya xabad lagu rushaynayo, lagala baxayo fasallada, loo ciqaabayo danbi qof kale uu galay, jaajuusiin fasalka lala fadhiisinayo – waxaan rumaysnahay inaanan falalkaa lagu gaadhi karin “Hormarka” lagu wardinayo ee intii la isku qufulay furihiisiina lala tagay . Hormarkan magaca erayga uun laga hayo ee dadkii caascaasiyay, waxaa la gaadhi kari oo kaliya, kolka labo tilaabo oo ka horaysa la meelmariyo. Inta ka horaysa labadaa tilaabo (steps) iska ilow hormar la gaadho si walboo golxo la isugu yeelo.

Umadi waxay dhabbaha hormarka haleelshaa kow; kolkay hirgaliso cadaalad (Justice) dhan walba ah, taasoo ka dhigan in la helo sinnaansho xagga garsoorka, waxbarashada, degaanka, shaqada iyo qaybsashada dhamaanba hantida dawladdu ugu talagashay shacabka. Labo; gacan laguma dhigi karo cadaalad (Justice) haddaysan jirin madax banaani (Independent) maskaxeed, go’aan qaadasho ama maamul oo ka fog musuqmaasuq iyo in loo yeedhiyo (what to do). Inaad madax banaanaato waxay kuu sahli inaad ku hamin karto curinta arragti (Vision) adigu aad injineerkeedii tahay. Umadi hadday umaddax banaantahay aayo ka tashigeeda, waxaa fudud in la isla jaangooyo haykal dheeli tiran, toolmoon oo dadkuna isku hoggaamiyo kolkaana yagleela saxan saxada higsigii lagu taamayay ee “Hormar” iyo “Maamul Suuban”.

 

W/Q Jamal Xukun
Jamalxukun@gmail.com

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay