Shir cilmiyeedkii uu qabtay Machadka IHASA bishii June 18 – 20kii, 2010 oo lagu qabtay Minneapolis, Minnesota, shirkaa oo cinwaan looga dhigay “Looking Back and Looking Forward: ayaa waxaa laga diyaariyay kitaab aad u qiimi badan oo ka xogwaramaya taariikhda dalka Ogadenya iyo mustaqbalka sida ay u arkaan aqoonyahanadii isugu yimid dood-cilmiyeedkaa in lagu xallin karo dhibaatada gaamurtay ee ka jirta dalka Ogadenya ee saameysay guud ahaan gobalka Geeska Afrika iyo dunidaba.

Kitaabkan waxaa ka qayb qaatay qoridiisa aqoonyahanno dalka u dhashay iyo qaar badan oo ajnabi ah oo daneeya taariikhda dalka. Waxyaaba badan oo khaldanaa oo aqoonyahano Itobiyaan ah (Amxaaro ah) ay horey ugu faafiyeen caalamka ayay aqoonyahanada ka dabatageen iyagoo si cilmi ah u faaqiday soona hordhigay caalamka qoraalo muujinaya beenta ay Itobiya ku faafisay caalamka ay uga dan lahayd inay ka dhigto in ciida Somaliyeed gabi ahaanba ay ahayd meel ay ka tilyaan boqoradii Itobiya.

Hordhaca kitaabkan jaamiciga ah waxaa ka mid ah weedhan uu ku bilowday ee odhanaya; “AHMED GURAY MA UU DHIMAN, MA GABLAMIN DARWIISHKII GEENYADU MA DAALAN” oo ahayd hees wadani towri ah taasoo marka lagu tarjumo afka Ingriisiga ee kitaabka uu ku qoran yahay ah; ” “AHMED GURAY DID NOT DIE, THE DERVISH LEGACY GOES ON, AND THE WARRIOR’S HORSE IS NOT TIRED!. Wuxuu kitaabka hoosta ka xariiqay in xaaladda towriga ah iyo halganka ka socda qarnigan 21aad gobalka Ogadenya ee Somaliyeed uu u yahay markhaati rabitaanka shacabka S.Ogadenya inay helaan xoriyad, cadaalad, iyo ixtiraamka xuquuqda aadanaha.

Shirkii IHASA waxyaabaha laga qoray ee ku xusan hordhaca kitaabka waxaa ka mid ah qoraalka ku soo baxay joornaalka ka xogwarama arimaha Geeska Afrika soo saarkii ugu dambeeyay ee cadadkiisu ahaa (Volume XXVIII) oo uu qoro I.M. Lewis oo lagu tiriyo inuu yahay aabaha taariikhda Somaliyeed wuxuu ku tilmaamay ujeedada shirkii IHASA inuu ahaa sidii asaas adag oo akaadeemi ah loogu sameyn lahaa arimaha quseeya gobolka Somaliyeed ee Ogadenya si loo fahmo xaqiiqada dagaalada ka socda halkaa ujeedada ay leeyihiin oo loogu sameeyo gobolka dawlad leh maamul wanaagsan .. (The aim of the conference was to establish the foundation for academic research on the Somali Ogaden region so as to better understand the origins and making of the conflict for the purpose of gaining greater understanding in the long term of peaceful conflict resolution, as well as promote good governance in the Horn of Africa region. Succeeding to pull off 800 participants of the community at large, the organizers, most of them young and future leaders, shared with the overtly sympathetic audience the gravity of the situation in the Ogaden and the importance for the refugees and immigrant communities to fight for justice in their homeland. )

Kitaab qiimi leh oo ka xogwarmaya taariikhda dalka iyo arimaha taagan hadda waa muhiim inuu gacanta ku dhigo qofkasta oo danaynaya halganka uu ku jiro shacbka S.Ogadenya, waana hadiyadda ugu qiimi badan ee qof siyaasi ah ama qoraa ah oo halgankeena doonaya inuu wax ogaado la siiyo.

Ugu dambayn, wakaaladda ONA waxay uga mahadnaqaysaa machadka IHASA iyo xubnihii sida hagar la’aanta u hirgaliyay soo saaridda kitaabkan qiimaha leh, waxayna ugu baaqaysaa shacabka iyo jaaliyadaha inay ka qayb qaataan faafinta kitaabkan.

ONA.

 
 

2 Comments

  1. Geeri-gaad says:

    Hayyeh, Insha Allaah. OGADENYA,Way xoroobi wakhti dhaw. Waxaan leeyahay dhammaan halgamayaasha reer Ogadenia, hadaalina hadday dhalaysaa Hoobaan oy hareer kasta kasii dayn, ood ka higooni doontaane.

  2. Wiil JWXO says:

    waa guul u soo hoyatey soomaalida gaar ahaan soomaalida Ogaadeenya.
    saas ayaa loo baahanyahay aqoonyahanku inuu usoo shaac bixiyo taariikhda dalkiisa, guulaysta IHASA!

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay