2 (2)3Magaalada Flen ee  wadanka Sweden waxaa kadhacay kulan ay  yesheen Gudiga Fulinta ee  jaaliyada Sweden iyo xubna kasocday gudiyada faracyada ee magaalooyinka, Flen,  Hallstahammar, iyo Eskilstuna, kulan kan oo socday  Mudo saacada ah ayaa bilawday  1 :00 duhurnimo isagoo soo xidhmay   6:00  maqribnimo kulan kan oo kamid ahaa qorsha shaqeedka jaaliyada wadanka Sweden ayaa ugu horay lagu kala warqaatay iyadoo Gudigo warbixino kadhagaysteen gudiyada  faracyada sidookalana siiyay warbixino iyo qorshayaasha shaqo ee ay uyimaadeen Magaalada Flen oo marti galisay kulankani,

Shirka ayaa waxaa lagaga dooday waxqabadka faracyada iyo guud ahaanba jaaliyada, waxaana laysla qiray in jaaliyadu kusocoto marxalad aad uwanaagsan iyadoo uu sara ukacay dhaqaalaha iyo abaabulka jaaliyada taasi oo siwayn ay ugu farxeen dhamaanba xubnihii goobta fadhiyay, sidookalna  lagu balamay in lasii laba jibaaro,

Intii uu kulanku socday waxaa lagu ansixiyay qodobo dawra oo ay kamid ahaayeen,

1   In Jaaliyadu Garab istaagto inti awoodeeda ah Shacabka Somalida Ogadeniya ee kudhibataysan wadanka Yemen,

2   In loo diyaar garoobo Mudaaharaad lagaga soo horjeedo Taliska Gumaysiga ah ee Addis ababa, oo kadhici doona bisha fooda inagusoo haysa Parlamaan ka wadanka Sweden Hortiisa

3   In Gudiga Jaaliyadu komeer kutagaan dhamaanba wadanka Sweden bisha Jun  iyagoo Mari doona meelwalba oo,uu joogo qoftageera halganka,

iyo

4  In sare looqaado abaabulka iyo wacyigalinta bulshada islamarkaana kaalin firfircoon laga qaato sidii loo fashilin laha hawlaha Gumaysigu kawado wadamada qurbaha

Gaba gabadii kulanka ayaa waxaa siwanaagsan laysula meel dhigay sidii loofulin lahaa dhamaanba action plan ka jaaliyada oo,uu hirgalay qaybihiisii ugu horeeysay,

iskusoo wada duubo waxaa sara ukacay abaabulka iyo dhaqdhaqaaqa ay wado jaaliyada wadanka Sweden taasi oo larajaynayo inay waxbadan kabadali doonan hawla halganka ee dhigooda ah

ONA/Stockholm1

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay