Gudomiye Kuxigeenka JWXO oo Shir Heer Sare ah Laqaatay Jaaliyada Somalida Ogadenya ee Wadanka Jarmalka.
Waxaa maanta ooy taariikhdu tahay 25/4/2015, shir si heersare ah loosoo agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka. Waxaa shirkan kasoo qaybgalay qaybaha kala duwan ee Jaaliyada Somaalida Ogadenia ee Wadanka Jarmalak sida Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Somalida Ogadenya OYSU, Ururka Haweenka Ogadenya UHO, Aqoonyahanka Ogadenya, Wax Garadka iyo qaar kamid ah Madaxda JWXO oo uu oogu horeeyo Gudoomiye Kuxigeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) Dr.Maxamed Ismaaciil Cumar.
Furitaankii shirka kadib Waxaa codbaahiya lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Jaaliyada Somalida Ogadenya ee dalka Jarmalka oo warbixin kooban siiyay kasoo qayb galayaasha shirka joogay isagoo ooga mahadceliyay shacab waynihii madasha fadhiyay sida diiran eey ooga soo qaybgaleen shirkan. Waxaa Codbaahiyaha lagu soo dhaweyay Gudoomiye Kuxigeenka Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenya (JWXO) Dr.Maxamed Ismaaciil Cumar oo khudbad dhinacyo badan kahadlaysa soo jeediyay wuxuu kawarbixiyay xaalada halganka iyo marxalada lagu jiro oo ubaahan in lasii dardar galiyo horumarka iyo hirgalinta himilooyinka Halganka.
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.