Jaaliyadda Ogadenya ee K/Afrika oo shir u qabatay bulshada Soomaaliyeed iyo Police ka Pritoria oo ka qayb galay IY
Shir heersare ah oo Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ay soo qaban qaabisay ayaa ka dhacay caasimada dalka Koonfur Afrika ee Pretoria
Waxaana shirka kasoo qayb galay dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku nool magaalada Pretoria sida odayaasha, Ganacsatada, Ardayda, Hooyooyinka iyo dhamaan xaafiisyada laga maamulo Soomaalida ee kala duwan.
Shirkan ayaa lagaga wada hadlay sidii loo hagaajin lahaa amaanka xaafada loogana wada shaqayn lahaa si wada jir ah,waxaa kasoo qayb galay madaxda ciidanka Amaanka (Police) ee magaalada Pritoria,halkaas oo uu ka hadlay madaxa amaanka Mr Makuundha (Makunda)
Police ku waxay sheegeen in ay aad ugu baahan yihiin in ay wada shaqayn rasmi ah ka helaan dhanka Soomaalida iyagoo aad ugu mahad celiyeen Jaalida Ogaadeneiya ee iyadu soo qaban qaabisay shirka waxayna dheheen waxaa meesha ka baxay shaki badan oo aan qabnay lashaqaynta soomaalida oo aan ku wareernay cidii masuul ka ahayd hadase waxaa lagu hiran karaa tilaabadan noocan ah.
Gudoomiyaha Jaaliyada Ogadenya oo shirka majaraha u hayay ayaa si kooban uga hadlay Soomaalida iyo sida ay mid u tahay meel kasta oo ay joogto.
Ugu danbayntii waxaa la isla meel dhigay sidii looga wada shaqayn lahaa amaanka xaafada waxayna Jaaliyadu kulankan u qabatay gudashada xilka kasaaran Soomaalida
ONA/Gumaysidiid
Southafrica
Comments are closed
Sorry, but you cannot leave a comment for this post.