Waxaa maanta kulan heer sare ah si wanaagsana loosoo agaasmay iskugu yimid gudoonka sare ee Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Ururka (HAAU). Shirkan ayaa waxaa kuwada kulmay Gudoonka oogu sareeya ee HAAU, Masuuliinta Waaxaha Hogaanka, Iskuduweyaasha Qaaradaha ee HAAU iyo Madaxda Ururada Bulshada Ogadenya sida Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Somalida Ogadenya OYSU iyo Ururka Haweenka Ogadenya UHO.

Kulankan oo kamid ah kulamadii caadiga ahaa ee Madaxda HAAU ay iskugu imaan jireen ayaa lagu falanqeeyay aadna loogu lafoguray qodobo Halganka Somalida Ogadenya laf dhabar u ah sida abaabulka iyo wacyi galinta shacabka ehelka u ah Halganka Gobanimo Doonka Ogadenya, adkaynta Xidhiidhka aan la leenahay shucuubta aan wadamadooda hawlaha halganka kawadno iyo udiyaar garawga xaalad kastoo kasoo cusbonaan karta Gumaysiga Itoobiya oo qarka usaaran burbur iyo kala yaac.

Waxaa isna warbixin aad uqiimo badan oo kusaabsan xaalada Gumaysiga Itoobiya meeshay marayso iyo ineey maanta wixii Itoobiya la odhan jiray cagta saartay tubtii burburka iyo kala yaaca taasoo cadayn ay utahay in maanta ay taladii wadanka gacanta ugashay saraakiisa TPLF/ Wayaanaha kas jeedyay shirka Gudoomiye Kuxigeenka HAAU Mudane Xasan Macalin ahaana shir gudoonkan.

Dhinaca kale waxaa kulankan aad loogu lafo guray sidii wax looga qaban lahaa xaalada qaxootiga Somalida Ogadenya ee kutabaalaysan wadanka Yemen. Waxaa warbixin kusaabsan xaalada qaxotiga Yemen kasoo diyaariyay Gudomiye Kuxigeenka Hogaanka Dhaqaalaha ahna Madaxa Gudiga Taakulaynta Shacabka Somalida Ogadenya Mudane Xaaji Maxamad Yuusuf. Waxaana la’isku raacay sidii loogarab istaagi lahaa shacabkaas kutabaalaysan wadanka Yemen.

Kulamada noocan oo kale ah eey iskugu yimaadaan madaxda Hogaanka Abaabulka iyo Arimaha Ururka ee HAAU ayaa lafdhabar u ah dardar galinta iyo hirgalinta hawle halgameedka uyaala Hogaanka HAAU kaasoo siwanaagsan ooga socda dhamaan xarumaha ay kahawlgalaan Jaaliyaadka Somalida Ogadenya ee kudhaqan dunida dacaladeeda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay