Waxaa magaalada Minnesota ku geeriyootay Allaha u Naxariistee hooyo Faadumo Xassan Bide oo ahayd shaqsiyad qaali ku ah umadda Ogadenya iyo halganka ay ku jiraan ee gobanimadoonka ah. Hoos ka fiirso Ururka haweenka Ogadeniya, Jabhada ONLF iyo Jaaliyadaha Ogadeniya  iyo Ururka OYSU oo Tacsi u diraya Qoyaskii iyo Qaraabadii ka geeriyotay Marxuumadu Allaah Ha unaxariiste.

Ururka Haweenka UHO

Gudoomiyaha Ururka Haweenka Ogaadeenya Marwo Rooda Ibarhim C.Gurey oo ku hadlaysa magaca UHO ayaa diraysa. tacsi tiiraanyo leh oo ku aadan geerida naxdinta leh ee ku timid Allaah ha u naxariiste Faadumo Xassan-Bidde Khalaf oo wadanka Maraykanka ku geeriyootay.

UHO waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan guud ahaan shacabka Ogaadeenya meel ay jooganba gaar ahaan reer Xassan-Bidde Khalaf, reer Aadan Cirday & reer Sheekh Xassan-Nuur oo ay ka baxday Hooyo Faadumo oo bulshada Ogaadeenya taariikh & magac ku dhex lahayd.
UHO waxay rabbi ka baryayaan in uu Marxuumada naxariis tii janno ka waraabiyo intii ay ifka kaga tagtayna uu Samir khayr qaba siiyo.

Jaaliyad waaynta reer Ogadeenya ee Kitchener, Ottawa, Toronto iyo Windsor ee gobolka Ontario, Canada

Mohamed Cismaan Gaab
Hooyo Xalimo Maxamed Xuseen
Mohamed Qamaan
Mohamed Daah
Xasan Ali Bulxan
Dr. Abdiraxmaan Yusuf
Abdi Mirad Leyli
Cibaado Haaji
Xaawo Khalif
Kiin Hiirmooge
Iyo dhamaan odayaasha, dhalinyarada , ururka haweenka iyo jaaliyad waaynta reer Ogadeenya ee Kitchener, Ottawa, Toronto iyo Windsor ee gobolka Ontario, Canada waxaay tacsi u dirayaan umada reer Ogadeenya meelaay joogto iyo eheladii iyo qaraabadii aay ka geeriyootay Halyeeyad marxuumad Faadumo Xasan Khalaf oo ku geeriyootay Gobolka Minnesota ee cariga maraaykanka tariikhdu markaay ahaayd 30 April, 2015. Geeridu waa xaq. Naf walibana waay dhadhamin geerida. Waxaanse ilaahay ooga baryeeynaa in marxuumada uu ka waraabiyo janadii Fardoowsa. Aamiin. Aamiin. Aamiin.

 

Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi

Innaa Lilaahi wa inaa ilahay raajicuun. Waxaa geeriyotay allaah Ha u naxariiste marxuumad Fadumo  Xasan Bidde oo ahayd hooyadii hormuudka u hayad asaaskii JWXO, ayadoo kaalin wayn ka qaadatay halgamadii ka horeeyay. Waxaan Eebe uga baryaayaa marxuumadda inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo, Dhammanteen oo ehel uwada ah marxuumaddana samir iyo iiman inaga siiyo. Marxuumadda oo ahayd halkii masuulintii JWXO u horaysay ee Somalia ka halgamaysaya saldhiga gurigeedu u ahaa. Waxay ka mid ahayd masuulintii Ururka haweenka ee barnaamijka JWXO aqabalay oo saldhiga u ahaa asaaska JWXO. Ururka Haweenka Somali-galbeed, Ururka Dhallinyarada Somali Galbeeed, Ururka Naftood-hureyaasha Somali galbeed iyo Ururka Shaqaalaha Somali-galbeed oo ku bahoobay Midowga Ururada Bulshada Somali galbeed ayaa saldhig u ahaa, gundhina u ahaa asaaskii JWXO.

Our Heroes Don’t die in our hearts.
Cabdiraxman Mahdi
Taariikh Kooban Hooyo Faadumo Xassan Bide

TACSIWaxaa magaalada Minnesota ku geeriyootay Allaha u Naxariistee hooyo Faadumo Xassan Bide oo ahayd shaqsiyad qaali ku ah umadda Ogadenya iyo halganka ay ku jiraan ee gobanimadoonka ah.

Allaha u Naxariistee Faaduma Xassan Bidde waxay ahayd hoyga halganka laga soo bilaabo marxaladii WSLF oo lagu xasuusto siyaabihii kala duwanaa ey uga soo qayb qaadatay, gaar ahaan taageeradii ay siisay kacdoonkii dhalinyarada iyo asaaskii JWXO. Taariikh ifaysa ayay ku leedahay AUN Faadumo Xassan Bidde halganka gobanimadoonka shacabka Ogadenya.

Gudoomiyaha JWXO, Dhamaan Xubnaha Golaha Dhexe ee JWXO, Hawl-wadeenka iyo xubnaha JWXO waxay Tacsi u dirayaan eheladii ay ka geeriyootay AUN hooyo Faadumo Xassan Bide ay ka mid yihiin wiilasheeda Maxamad, Axmad iyo Muuse Aadan Cirday, Gud. Hogaanka Dhaqaalaha JWXO Dr. Cibaado Xirsi iyo dhamaan ree Xassan Bide, iyo General Maxamad Cismaan Qaadi iyo dhamaan ree Cismaan Qaadi.

Inaa Lilaalhi Wa-Inaa Ilayhi Raajicuun.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay