Waxaa todobaadkan horaantiisa kormeer abaabul, isbarasho & xogwareysi kutagay magaalada Hønefoss ee dalka Norway Masuuliin katirsan Maamulka Jaaliyada Somalida Ogadenya ee dalka Norway . Magaalada Hønefoss ayaa waxaa bilihii oogu dambeeyay ee Sanadka 2015 hoy unoqotay dhalinyaro fara badan oo Gumeysiga Itoobiya kuqasbay ineey dhulkoodii hooyo kaqaxaan kadib markii ay suurtagal noqon wayday in sinabad ah oogu noolaadaan wadankoodii.

image1

Jaaliyada Soomaalida Ogaadeenya ee dalka Norway oo kamid ah jaaliyadaha oogu qadiimsan ee Soomaaliyeed ee kajira dalka Norway ayaa dadaal oogu jirta in bulshada Somalida Ogaadeenya ee kucusub wadanka Norway eey talo kasiiso sida oogu wanaagsan eey ula qabsan lahaayeen dalka ay yimaadeen . Wafdigii jaaliyada Norway ayaa isugu jiray qaybaha kala duwan ee Maamulka Jaaliyada sida, Gudoomiyaha, Madaxa Abaabulka, Masuulka Dhalinyarada & Madaxa Garsoorka, waxaana kuweheliyay Maamulka kormeerkooda majaajiliistaha da’da yar ee wadaniga ah mr. Nuur Khaliif. Wafdiga kormeerka waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada waxaana furmay kulankii loo balan sanaa oo lagu furay aayadaha quraanka & wacdi uu soo jeediyay Sheekh mustafe , waxaa kaloo warbixin xaalada bulshada ogaadeenya ee Hønefoss soo jeediyay gudoomiyaha Hønefoss mudane  maxamed, waxaa kaloo warbixin qiimo badan iyo tusaaleyn soo jeediyay abwaan Geele.

image2

Wafdiga jaaliyada markii warbixintii  guud ee Hønefoss dhagaysteen kadib ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Gud. Jaaliyada Somalida Ogadenya ee dalka Norway Mudane Khaliif Cabdi Cali oo ka warbixiyay jaaliyada, waxqabadkeeda & dalka Norway guud ahaan, waxaa kaloo warbixin qiimo badan oo xaalka ogaadeenya iyo waxa looga baahan yahay bulshada  ogaadeenya meel kastooy joogto soo jeediyay madaxa Garsoorka & Anshaxa Mudane Asad Sh.Daahir , waxaa kadib mikrofonka lagusoo dhaweeyay madaxa Abaabulka Jaaliyada mudane Cabdishakuur Cali Budul oo siqoto dheer leh usharaxay in maanta loo baahanyahay in bulshada S.Ogaadeenya umidowdo difaaca sharafteeda, dalkeeda & dadkeeda laxasuuqayo, kadib waxaa hadalka qaatay mudane Nuur Khaliif oo kasoo qayb galayaasha hordhigay cadaymo cad oo muujinaya arxan darida gumeysigu kuhayo bulshada dulman ee ogaadeenya, waxaa hadalkii lawareegay Xoghayaha ururka OYSU mudane Cabdulqaadir  Khaliif hilowle oo ka hadlay tabaha gumeysiga & doorka looga baahan yahay dhalinyarada soomaalida ogaadenya oo uu yidhi * maanta waa In meel uga soo wadajeesano badbaadinta dadkeena inakoo mid ah*.

image6

Shirkan oo afdaahtii laga lahaa laga gaadhay waxaa khudbadii  gabagabada soo jeediyay gudoomiyaha Hønefoss waxaana duco & dardaaran kusoo xidhay Sheekh mustafe. Kormeerkii jaaliyada oo ahaa qayb kamid ah qorshe sanadeedka jaaliyada wuxuu kusoo dhamaaday guul & is afgarad.

Midnimo. Mintid . Iskutashi  Allahu akbar !

ONA/Norway.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay