Waxaa 27kii bishan afraad ee sanadkan 2015 kulan si heer sare ah loo soo agaasimay isugu yimid Jaahliyada S/ogadeniya ee Magaalada Musawac ee dalka Eritrea  waxaana kulankaas ka soo qayb galay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Jwxo Adm. Maxamed Cumar cismaan, waxaa sidoo kale ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada sida ururka dhalinyarada, kan hooyooyinka iyo Bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan  Xerada Qaxootiga Emkulu…

Waxaa kulanka lagu furay wacdi diini ah oo uu soo jeediyey Sheekh Cabdi shakuur, sheekhu wxuu aad ugu dheeraaday Alle ka cabsiga iyo sida uu halganka Jwxo waajibka ugu yahay qofkasta oo u dhashay wadanka Ogadeniya.

umukulu4Wuxuu sidii kale sheekhu ku dheeraaday  Midnimada iyo macnaha uu xambaarsan yahay Erayga Midnimo, wuxuu sidoo kale sheekhu cadeeyey in halganka ka socda Ogadeniya uu yahay  Jihaad ay waajib tahay in laga qayb qaato..

Mudane Cabdimaalig xogyaha dhaqaalaha jahliyada oo isugu daadihinayey shirka ayaa ku soo dhaweeyey  Gudoomiyaha jahliyada S/ogadeniya  xerada qaxootiga Emkulu  N/h Maxamed Xasan   (Maxamed Goday) oo si fiican u soo dhaweeyey waftiga Jwxo  iyo ka soo qayb galayaasha shirka, mahad celin kadib, wuxuu soo jeediyey khudbad aad u dheerayd oo ku saabsanayd  wax qabadka jahliyada iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaahliyadu.

Kadibna waxaa Codbaahiya lagu soo dhaweeyey halgamayaasha kala ah Xaaji cabdiraxmaan, Cabdulaahi dheeg iyo hooyo Sahra  oo ku hadlay codka shacabka S/ogadeniya ee  ku dhaqan xerada Emkulu, waxayna ka hadleen xaalada guud ee uu shacabkaasu ku sugan yahay iyo taageerada ay u hayaan halganka ay hormuudka ka tahay Jwxo…

Intaas kadib, waxaa Microphonka lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Jwxo oo ay dadku aad u xiisaynayeen khudbadiisa…

ugudanbayn mukuluGudoomiyaha Jwxo Adm. Maxamed Cumar cismaan, mahad celin kadib, wxuu soo jeediyey khudbad waafi ah oo uu diirada ku saaray, Xaalada Halganka ay Jwxo hormuudka u tahay, Mida shacabka S/ogadeniya iyo guud ahaanba xaalada geeska Africa gaar ahaana tan Somaliya…

Wuxuu sheegay Gudoomiyuhu in halganka Jwxo uu soo maray marxalado iyo heerar kala duwan islamarkaasna uu ka soo gudbay caqabado kala duwan hase yeeshee uu guumaysiga Ethiopia markasta iskudayayo sidii uu u wiiqi lahaa halganka, markastana uu keenayo shirqoolo Cusub oo ku wajahan shacabka Gobanimadoonka ah balse ay jwxo fashiliso shirqoolkasta oo uu guumaysiga Ethiopia Keeno……..

Mar uu ka hadlay guulaha ay jwxo ku talaabsatay mudadii ay jirtay wuxuu sheegay in la dhisay Jaahliyaad tiro badan oo si fiican uga hawl gala dunida dacaladeeda, kuwaas oo kulmiyey bulshada Gobanimada jecel ee S/ogadeniya, siyaasad xoogan oo ku wajahan arimaha dibada iyo cudud ciidan oo ka dagaalamaysa dalkii hooyo .

Wuxuu sidoo kale gudoomiyuhu ka hadlay wadahadalka la sheego in uu u dhaxeeyo Jwxo iyo guumaysiga Ethiopia, wuxuuna yidhi  anagu hadaan nahay Jwxo waxaan diyaar u nahay  in dagaalka ka socda Ogadeniya lagu dhameeyo wadahadal iyo sida ay shacabku rabaan ee ah  Afti in laga qaado. Kuwii ugu danbeeyey ee ka dhacay wadanka Kenya waxaa markasta bur burinaysay Ethiopia..

umukulu8Wuxuu sidoo kale gudoomiyaha Jwxo ka hadlay xaalada guumayisga Ethiopia iyo heerka ay marayso wuxuuna sheegay in guumaysigu uu maanta maraayo marxalad aad u liidata oo ay iskhilaafsan yihiin kooxda EPRDF   iyo Ciidamada haylaamaha ah ee Ethiopia, aadna loo saadaalinayo in ay kala yaacdo Ethiopia doorashada soo socota.

Maadaama ayna wax dimuqraadiyad ahi ka jirin wadankaas, dadwaynuhuna ay aad ugu soo horjeedsadeen xukunkan macangagnimada ku dhisan ee TPLF.

Ugu danbayntii wuxuu gudoomiyaha Jwxo ka hadlay xaalada siyaasadeed ee wadanka Somaliya, wuxuuna sheegay in Jamuuriyadii xorta ahayd ee Somaliya uu maanta gacanta kuwada dhigay guumaysiga Ethiopia.

Hadaba kulankaas oo dad badani ay ka hadleen ayaa dadkii wacdaraha ka dhigay waxaa ka mid ahayd kooxda Gurmad qaran oo soo bandhigtay dhaantooyin casri ah iyo heeso gobanimadoon ah oo dadwaynuhu ay aad u jeclaysteen……

umukulu7 umukulu5 umukulu4 umukulu3 umukulu1Ugu danbayntiina wuxuu shirkaasi ku soo dhamaaday waji guul iyo farxad.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay