Innaa Lilaahi wa inaa ilahay raajicuun. Ururka Haweenka Somalida Ogadenya (UHO) ee kudhaqan wadanka Denmark ayaa tacsi tiiraanyo leh waxay udirayaan dhamaan qoyskii, ehelladii iyo guud ahaan shacabka Somalida Ogadenya meel kastooy joogaanba geeridii kutimid Allaha unaxariistee Hooyo Faadumo Xasan Bide oo todobaadkan horaantiisii kugeeriyootay magaalada Minnesota ee carliga Maraykanka.

Allaha u naxariistee Faaduma Xassan Bidde waxay ahayd hoyga halganka laga soo bilaabo marxaladii WSLF oo lagu xasuusto siyaabihii kala duwanaa ey uga soo qayb qaadatay, gaar ahaan taageeradii ay siisay kacdoonkii dhalinyarada iyo asaaskii JWXO. Taariikh ifaysa ayay ku leedahay AUN Faadumo Xassan Bidde halganka gobanimadoonka shacabka Ogadenya.

 

Inaa Lilaalhi Wa-Inaa Ilayhi Raajicuun.

Maamulka UHO ee Wadanka Denmark

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay