20130619102348Waxaa ereyadaa ka soo xigtay kitaab uu qoray AUN Amir Shakiib Arsalaan. Qoraaagan oo noolaa bilowgii qarnigii 20aad ayaa su’aal uu soo weydiiyay nin saaxiibkii ah wuxuu ka qoray Kitaab uu cinwaan uga dhigay – Maxaa Muslimiinta Dib u riday, Maxayna u horumareen Dhigooda لماذا تأخر المسلمون؟ ولماذا تقدم غيرهم؟  – waa kitaab yaroo mudan inuu akhriyo qofkii halgan dhab ah kula jira gumaysiga. Su’aasha la weydiiyay Amiir Shakiib Arsalaan waxaa laga soo diray jasiiradda Jawa ee dalka Indonesia oo ku jirtay gumaysi, waxayna odhanaysay; maxaa ku dhacay muslimiinta (gaar ahaan anaga muslimiinta Jawa iyo Malayo) oo xag aduun iyo xag diineedba ay uga liitaan, oon u noqonay dad dulaysan oon lahayn awood iyadoo Ilaahay uu Kitaabkiisa noogu sheegay; Inay Ilahay iyo Rasuulkiisa iyo Mu’miniinta Leeyihiin Cisiga (koreynta iyo adkaashaha)? Aaway Cisigii Mu’miniinta ee Ilaahay inoo sheegay?

Su’aashaa isagoo ka jawaabaya ayuu Amiir Shakiib Arsalaan qoray 25 Sep. 1929 kitaabkan uu cinwaanka uga; Maxaa Muslimiinta Dib u riday, Maxayna u horumareen Dhigooda?

Qaar badan oo muslim baan nahay leh ayaa u malaynaya inay ku noqonayaan salaada ay tukanayaan iyo soonka, ama camal kasta oon maal iyo dhiig oga baahnayn, sidaa ayayna ku rajaynayaan inuu Ilaahay guusha ku siiyo. Arintuna sidaa ma’aha, ayuu yidhi qoraaga. Tiirarka islaamka kuma koobna salaada iyo soonka, ama ducada iyo istaq-furulaysiga, oo sidee buu Ilaahay uga aqbali ducada qaar fadhiistay oo ka hadhay (halganka) iyagoo awooda inay u istaagaan oy bixiyaan maalkooda.

Wuxuu qoraaga tusaale ahaan u ifinayaa jiilkii hore ee islaamka siday ugu istaageen diinta iyo dhibkay u mareen, ka dibna uu Ilaahay sidaa ku siiyay guusha. Markaasuu su’aashan weydiiyay dadkii la noolaa waagaa isagoo yidhi; ma dhici kartaa inuu Ilaahay guusha siiyo qaar ka fadhiistay masuuliyadii la saaray? Hadday sidaa dhacdo sow dadka noqon maayaan caajisiin duca un dul fadhiya iyagoon waxba qaban? Haduu Ilaahay makhluuq ayidahayo isagoon dhaqaaqin, wuxuu halgan la’aan ayidi lahaa Rasuulkiisii Maxamad CS, umana baahdeen inuu la dagaalamo mushrikiintii ka hortimid oo goobaha dagaalka uguma tageen. In laraaco wadooyinka uu Ilaahay jideeyay (natural lows) umbaa lagu gaadhaa hadafka. Sharaxaad arimahaa klu saabsan ka dib ayuu isbarbar-dhigay xaaladay ku sugnaayeen muslimiinta qarnigaa iyo quwadihii Yurub ee kusoo duulay. Wuxuu yidhi;

Waxay muslimiinta nool maanta lumiyeen xamaasadii aabayaalkood u qabeen la dagaalanka cadawgooda, waxaana qaatay tilmaantii noocaa ahayd cadawgooda oo kitaabka ay haystaan uuna sidaa ku boorinin. Waxaad arkaysaa iyagoo usoo kala hormaraya goobta dagaalka oo maal iyo naf aanu caqliga bani-aadamka sawiran karin ku bixinaya.  Jermalka waxaa kaga dhintay dagaalka hal milyan, Faransiiskana milyan iyo afar-boqoloo kun, Ingriiska waxay ku waayeen lix boqoloo kun, Talyaaniga afar-boqoloo kun, Ruushka isaga lama xisaabi karo .. (Dagaalkii Aduunka ee 1aad). Dhimashadaa ka sokow, Ingriiska wuxuu ku bixiyay dagaaladaa todobo milyaar oo dahab, Faransiiska laba milyaar, Jermalka sadeex mliyaar, Ruushka wixii kaga baxay waatan ku keentay macaluusha iyo Kacaankii balshifiiq (Linen). Wuxuu qoraaga macluumaadkaa ka dib su’aalay, yaa ii sheegi kara dal islaam ah oo bixiyay maalkaa iyo naftaa ay dawladahaa Yurub ku bixiyeen difaaca dalalkooda? Markaasaan dhahaynaa muxuu Ilaahay u siiyay maalkan iyo sharaftan, oo looga xarimay muslimiinta inyarna ha ahaatee waxay haystaan.

Waxaa laga yaabaa ayuu yidhi qoraaga, inuu qof yidhaahdo muslimiinta waa sabool oo maba haystaan maalka intaa dhan say u bixiyaan. Jawaabta aan siinayo waxay tahay buu yidhi, kama doonayno inay bixiyaan intaasoo kale, ee waxaan leenahay oo kali ah, nisbada (boqlkiiba intaa) uu qofka Yurub uu ka bixiyo raasimaalka uu haysto haka bixiyaan waxay haystaa. Tusaalo badan iyo is-barbar dhig ayuu wuxuu usoo qaadanayaa qofka Yurub-ka ah wuxuu ku bixiyo fidinta diinta masiixiga ah iyo qofka muslimka ah wuxuu bixiyo marka laga dalbo inuu caawiyo walaalkii. Waa farqi cirka iyo dhulka intay isu jiraanoo kale ah.

imagesWaxaa aad iisoo jiitay odhaah uu kasoo qaatay qoraaga inuu yidhi boqorkii asaasay Sacuudiga ee Ibn-Sacuud. Wuxuu yidhi; Muslimiinta waxaan uga cabsanayaa un qaar kaloo Muslim ah, ugamana cabsado ajnabiga (ree Yurub) sidaan uga cabsado muslimiinta. Isagoo hadalkaa sii fasiraya ayuu yidhi qoraaga, hadaad aragto dal muslim ah oy qabsadeen ciidamada gumaysiga Yurub, waxaad arki kala badh ciidanka uu wato inay yihiin muslimiin. Waxay ahaayeen qaar u jaajuusayay cadawga, qaar dacaayad iyo niyad jabin kula dhex jiray umadda iyo qaar seefta la dhacayay dadkooda. Markaad kala hadasho khiyaanada ay samaynayaana waxay ku odhanayaan, miyaan iska celin karnaa, ama saan uga nabad galno dhibkooda ayaan ula soconaa, ama waxay kuusoo qaadan qaacidadii ahayd Labada Dhibaato midka sahlan (أخف الضررين), oy ula jeedaan in aan iska celino gumaysiga ciidankiisa waxaa nooga sahlan in aan layno dadkanaga oon ka fadhiisino ka hortagga cadawga. Waxayna awoodeen buu yidhi in siduu xadiithka ahaa yeelaan oy la dagaalamaan, hadday awoodi karina qalinka kala hortagaan, hadday awoodi karin (aqoon lahayn) afka kala hortagaan, haddanay awoodi karin intaa ay qalbiga ka nacaan. Wayse diideen intaaba ayuu yidhi qoraaga, oo waxay ka doorteen inay dabadhoon u noqdaan cadawgii dalkooda qabsaday, waxaanad arkaysaa iyagoo cunaya oo cabaya oo ku nicmaysan dalkoodii ay iibsadeen, oo jiifka ku raaxaysanaya. Kuwa noocaa ah buu yidhi qoraaga, malaha damiir nool, mana aragno dad ku dhiirada inay ciqaabaan.

Qoraagan wuxuu noolaa intii u dhaxaysay 1869-1956, wuxuu u dhashay Libnaan wuxuuna ahaa markiisii hore Duruuz, wuxuuse noqday markii dambe Sunni isagoo guursday gabadh Shiishaaniyad ah. Wuxuu ahaa mufakir weyn oo gabya qoraana ah, kuna hadla afafka Jermalka, Faransiiska, Turkiga iyo afkiisii Carabiga. Kutubo badan ayuu qoray uu ku kicinayo Carabta iyo Muslimiinta oo waagaa kuwada hoos jiray isticmaarkii Yurub.

Kitaabkan markaad akhriso waxaad fahmi ciladda haysata qaar badan oo ka mid ah dadkeena, oo waliba u badan aqoonyahan xagga diiniga ama dunyawiga ah iyo maalqabeen badan oo bakhaylnimo kaashatay fulaynimo darteed ugu adeegaya gumaysiga oo jeclaan lahaa inuu ciidanka gumaysiga ka guulaysto kuwa la dagaalamaya, siduu kitaabkiisan uu ku sheegayo Amiir Shakiib Arsalaan.

Qayba ka mid ah Kitaabka Riixa halkan (لماذا تأخر المسلمون؟ ولماذا تقدم غيرهم؟ )

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay