Jaaliyada Soomalida Ogadeniya oy matalayaan Gudoomiyaha jaaliyda Mudane: khalif Abdi Ali iyo Maxamed Yusuf Mahad oo ka socday O.Y.S.U  Norway ayaa ka qaybfalay shir ka dhacay Waaxda Is-dhexgalka shucuubta kala duwan eek u nool dalka Norway.

Gudoomiyuhu wuxuu halkas ku gudbiyay  warbixin faahfaahsan  oo ka hadlaysa waxqabadka jaaliyada soomaalida Ogadeniya, aad ayaana loo soo dhaweeyay.  waxaana halkaas gudoomiyuhu ugu fidiyay martiqaad ururadii kale ee kasoo qayb galay shirkaas.

Waxaa shirkaas lagu qaada dhigay arimo khuseeya isdhexgalka dhaqamada kala duwan, waxaana kasoo qayb galey  ku dhawaad 20 urur oo si rasmi ah uga diiwaan gashan wadanka Norway qabtana hawlo badan iyagoo wadaagay fikirado iyo talooyin fara badan oo wax tar u ah bulshooyinka kala duwan.

Shirkan wuxuu hor dhac u yahay shir wayn oo la qaban doono bisha october ee soo socota insha alah oo ay kasoo qayb gali doonan masuuliyinta ugu saraysa wadanka Norway  kaas oo si wayn loogaga hadli doono sidii loo horumari lahaa waxqabadka ururada wadanka ka dhisan si ay u horumarin lahayeen bulshooyinkooda uguna xidhi lahyeen bulshada kale ee Norway.

IMG_0374

Kulanka waxaa  isku soo duba riday, maanta oo habsami u socodkiisa daadihinayay Adviser. Lisa Hartmark iyo Mr. Henrik Cafer  Cenar .. Shirkaas ayaa wuxuu kusoo dhamaaday jawi farxad iyo guul ah.

IMG_0382 IMG_0381 IMG_0380 IMG_0377 IMG_0379 IMG_0375 IMG_0374 IMG_0372 IMG_0370 IMG_0368 IMG_0367

Jaaliyada Norway?ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay