Jaaliyad cusub oo laga asaasay dalka Angola ayaa shir balaadhan isugu imaatahy shirkaasoo lagu falanqeeyay hawlaha jaaliyadda iyo sidii ay jaaliyada uga qayb qaadan lahayd halganka socda. Ka dib waxaa lagu doortay maamul cusub.

shirkan ayaa ah markii ogu horeysay ay jaaliyadda isugu imaato shir noocan oo kale ah wallow la asasay biloowgii 2010. Shirka oo ku socoday jawi is-afgarasho iyo halgan uu ka muuqdo ayaa waxaa lagu doortay maamul xilkas ah oo arimaha jaaliyadda iyo halganka wadi doona mudada uu xeer hoosaadkooda qorayo.
Gudoomiyeha jaliyadda halgame Badrudiin Shekh Khaddar iyo maamulkiisa oo ka kooban shan xubin ayaa shirka u sheegay barnaamijka ay ku hawgali doonaan iyagoo ka codsaday i lagu taageero hawlaha loo doortay.

Shirka ay jaaliyadda Angola isugu timid oo ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagasan iyo guul ayaa la faliyaa inuu wax weyn ku soo kordhiyo halganka iyo hawlaha jaaliyadaha S.Ogadenya ay ka wadaan dunida dacaladeeda.

ONA

 
 

8 Comments

  1. waan idin salaamayaa habda war baahin ong salaan aad u sare iga gudooma waadna kumahad santihiin sida aad uga adeegtaa bulshadiina waana waa jib idin saaran tankale waa guud aan gaadhney inaan duni oo dhan kaga horayno waxaan ka ahayn adiss ababa sikastaba diblumaasino iyo sumacadba waxaana kuu sheygayaa in wayaanaha dadka udhashey ee inkiraan dhalashadooda oo ee suuqaqa caalamka ee kaga adeegtaan waxaan nahey somali ama aratariyaan iyo wixii lamid ah waana dhamaadey qarnigii wayaanaha waxaad maqlidoontaa waabeyjireen dowlad itoobiya ladhaho

  2. lehelow says:

    jaaliyaads iyo gudoomiyeheedaba waxa aan leeeyahay Alaah ha idinku guuleeyo halganka aad u galaysaan umada reer oogadenya

  3. Geeri-gaad says:

    Guul Allaahu Akbar.

  4. Gor-gor says:

    Allahu Akbar taas macneheedu waa in aan gabi aan adduunka meel kasta aan ku leenahay Jaaliyad,way dhalatay guushuye DHAANTADA inoo tumaay.

  5. hadhaawe says:

    man sha alah waxaa kaga in qof hor taagi in uu jirin halganka ay wado umada rer ogaden ay ku xoreysanysnayno gayeeni hooyo waxaan lee ahay hogaan cusub kii dalkisa iyo dadkiisaba anfaco ilahay haka dhigo viva raga naftooda u hurey dhulkooda hooyo

  6. Maanshaa,allah waxaan leeyahay waa guul waxayna tusaale utahay rabitaanka shacabka s,ogadenia meel kasta oo ay joogaan aduunyada waa mu gadas rabitaanka shacabka reer ogadenia allahu akbar allahu akbar allahu akbar GUUL IYO GOBONIMO

  7. Waan ku faraxsanahay JAALIYADAAS Cusub Waxaana leehay Halgameyaal wada dadaalkiina

  8. Wiil JWXO says:

    soo dhawaada JAALIYADDA SOOMAALIDA OGAADEENYA EE ANGOLA!
    waa guul iyo tallaabo horay u socosho ah.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay