Daqiiqad ka hor wax u muuqday inay ahayd gabagabadii riwaayadii weynayd ee ka socotay dalka Libya iyo soo mudh-bixii dambe ee Sayful-islam Qadaafi, oo horey loo shaaciyey in gacanta lagu dhigay oo xidhan yahay maxkamada dambiyada dagaalka ee Hague-na loo duulin doono iyo beenintii dambe ee ku timid dhacdooyinkan is xigay, ayaa dhamaantood muujinaya inay naan wali gaadhin guntii iyo dhamaadkii sheekada Libya (riwaayada). Dhanka kalana, waxaa muuqata in aduunku u dabaal-dagayo hawlgal lagu toosiyey nidaam sanado badan qalloocnaa.

Wax yar kadib markuu kacdoonka wadama Carabta ka bilowday ayuu mucaaradka Libya bilaabay inuu ka horyimaado xukunka joogtada ah ee Mucammar Al-qadaafi, iyagoo naftooda halis geliyey, dagaalo khadhaadhna la galay ciidamo bahallo ah oo badankood (caloshood u shaqeystayaal ajaanib ah oo meela kala duwan oy Itobiya ka mid tahay laga keenay ). Dhaq-dhaqaaqyadii kala duwanaa ee mucaaridka Libya wadeen iyo siyaabihii foosha xumaa ee Qadafi uu ugu hanjabay shacabkiisa ayaa dhaliyey inay helaan Thuwaattii Libiya taageeradii ay ugu baahnaayeen wadamada reer-galbeedka ee dimoqraa-diyadda iyo xuquuqal insaanka u ololeeya.

Sidoo kale, wadama aduunka ayaa ku sheegay dagaalka ka qarxay Libya inuu yahay mid u dhaxeeya xoogaga khayrka (wanaaga) ee dhalinta isbedel doonka ah ay hogaaminayaan iyo quwadaha sharka( xumaanta) oo uu gadhwadeen ka yahay Qadaafi iyo caruurtiisa ku indha qaatay xukunka aabahood.
Aragtidan wadama reer-galbeedku qaateen ayaa sababtay in fara gelin military lagu garab istaago mucaaradkii laga xoogga badnaa ee halganka u galay sidii ay u soo dhacsan lahaayeen xoriyadooda afartanka sano ay sugayeen.

Hase yeeshee, waa markii koobad ee wadamada reer-galbeedku isku dayeen inay garab istaagan ummad ku hoos jirta nidaam ku dhisan cadaadis iyo cabudhin joogta ah marka laga yimaado qabsashadii Ciraaq ee xukunka ay uga tuureen Sadaam Xuseen. Waxana xaqiiqo ah inuusan jirin qof aan ku faraxsanayn in meesha laga saaro taliskii Qadaafi; Mise jiraa wadan aan rabin Libya inay noqoto meel dagan oo nabadi ka aslaaxday, islamarkaasna iftiin u noqota xoriyada iyo dimoqraadi-yadda wadamada kale ee mugdiga iyo gumeysiga ka jiraan?
Laakiinse, dhacdooyinka iyo wararka hoose ee ka imanaya wadanka Libya, ayaa ah kuwo kala dhantaalaya farxadda eega (hadda) jirta. Qadaafi waa shaqsiyad wajiyo badan; waa hogaamiye bartay sida loo khiyaamo wadamada reer-galbeedka, oo xili aan sidaas u fogeyn Kornel Qadaafi, uu ahaa hogaamiye ay si aad ah u necbaayeen madaxda dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Fransiiska, Isagoo awooday mar kale inuu kasbado kalsoonida wadamada reer-galbeedka isuna tusay inuu yahay mid u adeegaya danahooda falalkii horena ka toobad keenay.

Ilaa dhamaadkii qarnigii tagay, Qadaafi wuxuu ahaa ibliis daan-daansi badan oo gacmahana kula jiray dhiig iyo dagaalo ka socday meelo badan oo caalamka ah; xitaa wuxuu faragelin toos ah ku sameeyey «dagaalkii Ogadeenya ee 77-kii» ku dhexmaray dawladii Soomaaliya iyo taliskii Axmaarada, dhulka Ogadeenya gudahiisa, Isagoo garab iyo taageero siiyey kaligii taliyihii arxan la’aanta ahaa ee Kornel Mingestu Haile-Mariam.

Qadaafi ayaa helay fursad wanaagsan oo wadama reer-galbeedka dib ugula xidhiidho kadib dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee ku habsaday dalka Mareykanka 11-Sep-2001-dii, Isagoo cambaareyey weeraradii lagu qaaday wadankaas, taas oo keentay inuu dhawaansho iyo wada shaqeyn ka helay wadamo badan oo uu albaabka ku garaacay. Talaabo aad loola yaabay ayaa ahayd markii si lama filaan ah 2003-dii uu shaaciyey Korneylku inuu ahaa nin (hogaamiye) xun oo sameystay hubka noociisa daran ee wax gumaada (Nuclear Weapon) iyo kan aan waxba kala reebin ee Biological weapon-ka ah, wakhti xaadirkana diyaar u yahay sidii uu uga maydhan lahaa xumaantaas, hubka halista ahna ugu wareejin lahaa baadhayaasha qaramada midoobay ka socday.

Qorshihii uu dhigay Qadaafi ayaa u fulay siduu la rabay. Waxaa durbadiiba booqasho rasmi ah caasimada Tripoli ku tagay ra’iisul wasaarahii hore ee Ingiriiska Tony Blair, dhinaca kale, dalka Mareykanka ayaa ka saaray Libya, Liistada wadamada bar-baariya argagaxisada ama hoyga u ah. Mucammar Qadaafi, ayaa mar kaliya isu badalay hogaamiye la jecel yahay wadashaqeynna la yeeshay wadamada aduunka; waxay ahayd talaabo waali ah, waa odey jir-jiroole barbar yaacayaan raxan haween ah daqiiqad kastana isbadel ku iman karo.

Korneyl Qadaafi, ayaa mar kale ula yimid wadamadii qaaradda Afrika, qorshe aan ku taagnayn dhabbadii loogu talagay, waxaana diidmo qayaxan kala horyimid madax-badan oo Afrikaan ah, iyagoo is tusay qaabka ay suurto gal u noqon karto in la mideeyo qaarad dadkeedu ku dhawaad yihiin hal billion oo ruux, lagagana hadlo 54 wadan ee qaaradu ka kooban tahay in ka badan 500 oo luqadood, colaad iyo dagaalo gobanimo doon ahna ka socdaan meelo badan oo qaaradda ah! Sidee bay u dhaboobi kartaa in shucuubta madoow ee qaaradda kuwada nool, midkooda Qari-jiqood geela ku raacaya lacagta uu adeegsanayo looga isticmaali karaa Daarfuur iyo Saxaraha Bulisaariya, iyadoo aan waxba laga qabanin caqabadaha faraha badan ee ka jira dalalka ummadahaasi dagaan, waxbana laga weydiinin meesha uu yahay maagoodu (rabitaankoodu). Fikradaha xaqiiqda ka fog ee Korneylku ka soo minguuriyey heshiisyada ay wada galeen midowga wadama reer yurub, ayaa sababtay in dhaqaalaha shacabkiisa ka qatan yahay maalin ba qoys iyo waddan Afrikaan ah siyaasadiisa gudaha ku fara-geliyo si uu taageero ugu helo fikradihiisa iska hor imanaya.
2006-dii dabayaaqadeedii mar aan booqday bogga uu ku lahaa shabakadda internetka Korneyl Qadaafi (algathafi.org), kuna turjuman shan luqadood oo caalami ah, ayaan ka akhriyey qoraallo iyo fikrado badan oo mala-awaal iyo khiyaali u dhaw, xaqiiqdana ka fog, Isagoo rumeysan fikradihiisa inay dawo u noqon karaan qalalaasaha ka aloosan meelo badan oo dunida ah sida; qadiyadda Kashmiir ee India iyo Pakistaan dhextaal, xurgufta labada Kuuriya, iyo colaada Falastiniyiinta iyo Yahuuda ka dhex abuuran muddo ku siman qarni badhkii.

Aniga oo ku raad jooga qadiyadda Shacabka Soomaalida Ogadeenya ee uu dambiga ka galay Qadaafi, duulaanka gardarada ahaana ku soo garab galay gaashaan-buurtii Soviet-ku hor boodayey, ayaan go’aansannay aniga iyo nin aanu saaxiibo ahayn, inaan waraaq E-mail ah u dirno cinwaankiisa, annaga oo weydiinay sida ay ula muuqato xalka qadiyadda Ogadeenya iyo siday mala awaalkiisa la tahay?
Qadiyadda Ogadeenya oo ah sida uu buugiisa « Tuxfatul-Aw-fiyaa»-ga ku qoraya Aabaha Halganka Ogadeenya, Mujaahidkii halgamaaga ahaa Sheekh Ibraahim Cabdalla, in Qadiyadda Ogadeenya tahay midda(qadiyadda) koobaad ee Afrika, xal laga gaadho arintaasna ay horseedi karto daganaansho iyo xasilooni gaadha wadamada geeska dhaca iyo guud ahaan qaarada Afrika oo idil.

Waxayse ila ahayd inuusan jawaab iyo wakhti uu ku akhriyo toona u haynin Korneylku su’aashaas iyo mid la mid ah toona, oo saacaadu kaga dhici karto kolba inta maryaha iyo calalka uu xidhan yahay si quman u hagooganayo.

Waxaase lama filaan ku noqotay Qadaafi, kadib markii gacdoon shacab oo si nabad galyo ku bilaabmay isu badalay mid hubeysan oo dhiigu meel walba daatay, Qadaafi-gii loo marxabaynayeyna isu badalay dad lays gacan ku dhiigle ah iyo waxshi xasuuqa maatidiisa u soo kireystay caloshood u shaqeystayaa laga soo uruuriyey wadamo Afrikaan ah sida ay muujinayey sawiro laga daawaday televisionada Caalamka, waxaa mar kaliya gacantiisa ka baxday taladii wadanka, waxaa burburay kaabayaashii dhaqaalaha, waxaa istaagay dhoofintii shidaalka, iyadoo mucaaradkii shalay ahaa koox aan jirin (abuurmay muddo gaaban gudahood), inay u dhoofiyaan saliida iyo shidaalka Libya sayladaha aduunka.

Taliska Zenawi, ayaa sheegtay shalay inay ictiraafeen Golaha ku meel-gaadhka ah ee dalka Libya, iyagoo naawilayey in Mucammar Qadaafi gacanta la heli doono mar kale doonta la degtay xukunkiisa, islamarkaasna talada dib ugu soo noqon doono.
Waxaase jirta naftood hurayaashii goob jooga ka ahaa duulaankii Qadaafi 77-kii dalka Ogadeenya sida gardarada ugu soo qaaday uguna hiiliyey Mingestu Haile-mariam, inay dhagahoodu maanta maqleen war farxad iyo xusuus ku reebi doona noloshooda inta dhiman, waxaa dhuumaal kujira oo madaxiisa lacag gaadhaysa 1.7 million oo dollar lagu raadinayaa dambiile hagar-daamo iyo xumaan u geystay shacab halgan xaq ah kula jiray gumeysi dhulkooda haystay.

Waxaase mudan in aan isweydiino su’aasha ah xaggee baynu garab istaagnaa? Ma kuwan mucaaridka ah ee xukunka u ooman ayaa haboon in la taageero (taageero macnawi ah), mise hadba danta Ogadeenya goobta iyo xagasha ay gasho ayaan raad-goobnaa? Yaase huba inaysan faragelin doonin qadiyaddeena? Waxaan odhan lahaa aragtidayda in Hogaanka Arimaha Dibadda ee Jabhadda ONLF, ahna laanta kaliya ee matasha danaha Shacabka Ogadeenya ee dibadda, oo adeegsanaysa dhamaan xidhiidhada Diplomasiyadeed ee u furan (Diplomatic Channels), inay xaqiijiyaan in xukun dambe oo Libya ka abuurma (haddii ay ku heshiiyaan mucaaradka dalkaas), inaysan mar dambe faraha la soo gelin, taageerana aysan u muujin cid walba oo cadow u noqon karta amase u ah qadiyadda Muqadaska ah ee shacabka Ogadeenya oo aysan noqon kuwo qaata casharadii caqliga aan ku dhisnayn ee uu ka tagay Korneylkii aan fayoobayn ee Qadaafi!

Qore; Mohamed Ilyas ( Arag Shabeel)

Afeef: ogadennet.com (ONA) Marna masuul kama ah Qormooyinka ay noosoo gudbiyaan akhristaayaashu waxayna u gaartahay qoraha ku saxiixan, Qofkasta oo si xor ah oo caafimaad qab ah u cabiraya fikirkiisa waanu soo dhawaynaynaa waxaadna noogu soo hagaajin kartaan qoraaladiina ogadenews@gmail.com

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay