cwxo2Weerarada ay N/hurayaasha CWXO la beegsanayaan ciidamada gumaysiga Itobiya uu keenay dalka Ogadenya ayaa si joogta ah uga socda dalka. Warbixintii ugu dambaysay een ka helnay Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa ka warbixiyay qaar ka mid ah dagaaladii dhecay intii u dhexeysay 5-9kii Bishan, dagalaadaa oo cadawga lagaga dilay inta la hubsaday 27 askari oo darajooyin kala duwan lahaa iyo dhawaac ay kala tageen goobaha dagaalka. Waxaa iyadana sii kordhay baxsad ciidanka gumaysiga iyo maleesiyada cadawga ugu talagalay inuu gabaad ka dhigto.

5/5/15 Heedaan oo Dagmada Dhagaxmadow katirsan dagaal xoogan oo CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya ku dhexmaray waxaa ciidanka wayaanaha loogu gaystay khasaare aan lasoo faahfaahinin.

6/5/15 Dudumocadka oo Dagmada Baabili katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

7/5/15 Karinka-qudhacle oo Ararso katirsan dagaal CWXO iyo kuwa saamalaluudka ah ku dhex maray waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay 4 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

7/5/15 Baaliga oo Galaalshe katirsan weerar gaadmo ah oo ay ciidanka xooga dalka Ogadenia ku qaadeen ciidanka cadawga oo halkaas marayay waxay kaga dileen inta lahubo 3 askari 5 kalana way kaga dhaawaceen.

8/5/15 Ararso oo Dhagaxbuur katirsan dagaal xoogan oo CWXO iyo kuwa wayaanaha ku dhexmaray waxaa ciidankii wayaanaha lagaga dilay 7 askari 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

9/5/15 Tuulada Awaare oo Galaalshe katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka gumaysiga lagaga dilay 3 askari 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

9/5/15 Duleedka Dagmada Fiiq dagaal xoogan oo CWXO kuwa gumaysiga ku dhexmaray waxaa ciidanka wayaanaha ee niyada jabsan lagaga dilay 6 askari 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

GOOSASHO.
11/5/15 Wargaadsan oo Gunagado katirsan waxaa ka goostay 7 askri. Isla 11/5/15 waxaa Gurdumi oo Awaare katirsan ka goostay 4 askari.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay