3Jaaliyada Somaalida Ogadeniya ee Hallstahammar  ayaa kaqayb gashay xuska loo yaqaano Fastvall ka  oo kadhaca wadanka Sweden kaasi oo lagu soo bandhigo dhaqamada kaladuwan ee bulshawga kaladuwan ee kudhaqan wadanka Sweden , xuskan oo qoomiyad waliba soo bandhigto hidaha iyo dhaqanka ugoonida ah ayaa waxaa wacdaro kadhigay Ururka OYSU Hallstahammar  iyo Jaaliyada oo iskaashanaya, waxa ayna halkaasi kusoo bandhigeen dhaantooyin cajiiba oo siwayn usoo jiitay indhaha kasoo qayb galayaasha islamarkaana siwayn looga helay,

Dhanka kale waxaa xuska goob joog ka ahaa maamulka degmada iyo gobalka oo, jaaliyadu xidhiidh fiican laheeladahay waxana gabagabadii xuska kulan gaaban yeeshay masuuliyiinta Jaaliyada iyo kuwa gobalka iyadoo Gudoomiyaha jaaliyada somalida Ogadeniya ee Hallstahammar Mudane Cabdi wali uu sharaxaad kabixiyay dhibaatada iyo tacadiyada sida joogtada ah uga dhaca wadanka Ogadeeniya oo bulshada caalamku siwayn uga dharagsan tahay una baahan in wax lagaqabto, waxayna Masuuliyiintu shegeen inay kadharagsan yihiin xadgudubyada iyo dhibaatada kasocota wadanka Ogadeniya islamarkaana ay garab istaagi donaan dhamaanba shucuubta dulman ee kuhoos nool Guud ahaanba Taliska Addis ababa.

3

Iskusoo wada  duubo waxaa abaabul iyo diyaar garaw kujira dhamaanba jaaliyadaha wadamada Scandanevian ka iyadoo ay hada soo afjarantay probagandadii cadawgi iyo gacanyara yaashiisu kawadeen wadamada qurbaha oo fashil kudhamaatay.

1

ONA /Stockholm

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay