madax 2Magaalada London ee dalka UK waxaa kulan ku yeeshay, intii u dhaxaysay May 11 ilaa 16 kii , 2015,  guddi jabhadeed oo loogu talagalay inuu qiimeeyo xaaladaha ku gadaaman halgnaka gobanimodoonka Soomaalida Ogaadeenya ee heer caalami, heer gobol iyo heer dalba, waxaana kulankaas guuddominayay guddomiyaha JWXO, admiral Maxamed Cumar Cismaan.

Guddigu wuxuu si qoddodheer uga baaraan-degay  marxalladda halganka shacabka Soomaaliada Ogaadeenya  uu marayo iyo guulaha uu gaadhay,  xag siyaasadeed, abaabul iyo ciidan. Waxaa si mug leh loo darsay sidii loo horumarin lahaa habsami u-socodka hawlaha halganka iyo ka hortaga qorshayaasha cadowdga.  Waxaa sidoo kale laga baaraan-degay habka ugu wanaagsan ee la isu kaashan karo Jabhadaha iyo Ururrada Mucaradka ee Itoobiya.

Kulanku wuxuu si hufan u qiimeeyay wadahadalka JWXO iyo Itoobiya ee ay dowladda Kenya fududaynayso iyo maraxaldda uu marayo.  Waxaa kaloo la eegay Xaaldda guud ee gobolka Geeska Afrika, midda caalamka iyo saamaynta ay ku leedahay halganka iyo danaha Soomaalida Ogaadeenya.

Sii Akhri;

War Murtiyeed JWXO

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay