xarunta1Wararkii ugu dambeeyay een ka helnay Xarunta dhexe ee JWXO ayaa ka warbixiyay dagaallo dhowr ah oo ciidanka gumaysiga Itobiya lagu naafeeyay. Dagaalada ay CWXO la beegsanayaan cadawga ayaa meela kala duwan oo dalka Ogadenya ah ka socda, waxayna dagaalada hadda nasoo gaadhay u dhaceen sidan;

14/5/15 Yucub oo Dagmada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo katirsan dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhexmaray waxaa ciidanka wayaanaha lagaga dilay 3 askari 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

14/5/15 Danood oo Wardheer katirsan weerar gaadmo ah oo ay CWXO ku qaadeen kuwa gumaysiga ee halkaas kusugan waxay kaga dileen inta lahubo 2 askari 3 kalana way kaga dhaawaceen.

15/5/15 Gabagabo oo Dagmada Qabridahare ee xarunta Gobolka Qoraxay katirsan dagaal aad u culus oo CWXO iyo kuwa jahawareersan ee gumaysiga ku dhexmaray waxuu Allaah guusha midigta ka saaray Xaqlayaasha utaagan xoraynta Ogadenia waxayna qudha kajareen 14 askari oo ahaa askarta Wayaanaha, 25 kalana way ka dhaawaceen waxayna furteen 14 qori oo noocya kala duwan ah.

15/5/15 Farmadow oo Qabridahare katirsan dagaal kadhacay waxaa ciidanka cadawga ee dulmiga kujooga ciida ogadenia lagaga dilay 4 askari 5 kalana waa lagaga dhaawacay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay